Wasiir Dhawaan M/Siilaanyo Magacaabay Oo Sabab Aan La Garanayn Looga Reebay Wasiiraddii Golaha Wakiiladu Ansixiyay Iyo Hungo Uu Kala Kulmay Kadib Markii La Xaadirin Waayay

0

Hargeysa (Sayruuq) – Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige ayaa waji gabax kala kulmay Doraad Golaha Wakiiladdda kadib markii uu magaciisa ka dhex waayay Magacyada Wasiiraddii iyo Masuuliyiin kale ee Golaha la horkeenay si loo ansixiyo,Waxaanu wasiirku sida la sheegay u qaadan waayay in Magaciisa laga Waayay Liiska Masuuliyiintaasi maadaama oo uu aroortii hore ku soo kalahay Golaha islamarkaana hore loogu sii wargaliyay in lagu soo darayo Cv-giisa iyo Magaciisa.
Sida ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen illo-Wareedyo aanu ka helnay dad goobjoog ahaa oo wakhtigaasii ku dhex sugnaa Xarunta Golaha Wakiiladda,Waxa uu Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiintu ka mid ahaa Masuuliyiintii ku soo kalahday Golaha,ee diyaarka u ahayd in la ansixiyo balse markii la dhamaystiray Xaadiriska Magacyada Masuuliyiintii la horkeenay Golaha Doraad,ee uu iska dhex waayay,waxa uu wasiirku ka kacay halkii uu fadhiyay Waxaanu si toos ah ugu tagay Xoghayaha Golaha Wakiiladda isagoo waydiiyay Sababta loo xaadirin waayay ee looga tagay magaciisa,balse Xoghayaha ayaa u sheegay in la dhamaystiray masuuliyiintii Golaha soo gaadhay oo lawada ansixiyay oo aanay jirin cid uu Goluhu la hadhay. Sidoo kale waaxa uu tagay Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyagoo iyaguna sida la sheegay sidaasi oo kale u sheegay in Magacyadii soo gaadhay Golaha ay wada xaadiriyeen oo aanay jirin cid ay Xafiiskooda kula hadheen.
Qaarka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland oo wargeyska Foore wax ka waydiiyay ayaa noo sheegay in Wasiirka Magaciisa ay Xukuumaddu ka reebtay,islamarkaana la filayo inay Wax ka si yihiin CV-giisa,Sidaa darteedna ay suurtagal tahay in looga reebay si khaladkaasi yar loo saxo,balse lama garanayo sababta ay Xukuumaddu uga Qaraniso inay Wasiirka u sheegto khaladka jira iyo sida loo sixi karo. Sida ay noo sheegeen dadkii arkayay Wasiirka markii uu ka war helay inaanu magaciisu ku jirin Liiska Loo soo gudbiyay Golaha wakiilada ee la ansixiyay ayaa noo sheegay inuu midab doorsoomay,islamarkaana uu fadhiga xamili waayay,Waxaanay dadkii ka agdhawaa noo sheegeen inuu Wasiirku ka shakisan yahay in Dabin hoose lala maagan yahay oo uu ka baqa qabo in kiis loo sameeyo,dabadeedna shaqada laga caydhiyo maadaama oo uu yahay masuul aan wali ansax ahayn. Warar kale ayaa sheegaya in la hadal hayo inay Xukuumaddu la maagan tahay inay Masuulkan ku darto isku shaandhaynta la hadal hayo,islmarkaana lagu badelayo masuul la sheegay inuu Xisbiga Kulmiye dabada ka riixayo in Booskaasi loo dhiibo.
Dhawr jeer oo aanu isku daynay inaanu Wasiirka Arintani wax ka waydiino ayaanay noo suurtagalin kadib markii uu naga qaban waayay Telefankiisa gacanta.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.