Wasiir Cumar Daacuun Muxuu Ka Ogaa Qorshihii Madaarka ee Ka Cadhaysiiyay Kornayl Muuse Biixi

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Daacuun) ayaan ilaa hadda ka hadal talaabadii shaqaalihiisu maalintii shalay kaga hor istaageen gudoomiyaha xisbioga kulmiye kornayl muuse biixi cabdi oo isagu si ka baxsan anshaxa masuulnimo uga xanaaqay hanaanka cusub ee lagu soo kordhiyay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport

Dhanka kale mar Shabakadda Baligubadlemedia la xidhiidhay maamuala madaarka hargeysa ayuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo dhacdadii gudoomiyaha kulmiye ka xanaaqay ee ka dhacday madaarka hargeysa

balse dadwayne goobta ku sugnaa oo aanu arinkan wax ka waydiinay ayaa sheegay inaanay wax laga xanaaqo ahayn dhacdada gudoomiyuhu ka xanaaqay iyagoo inamadda madaarka iyo askartuba gudoomiyaha u tilmaameen meesha nidaam ahaan loogu tala galay in la dhigo gaadiidka taasoo keentay in gudoomiyuhu ka cadhoodo una gacan qaado maamulka madaarka hargeysa

si kastaba ha ahaatee waxa soo baxaya tuhuno la xidhiidhinaya wasiir cumar daacuun inuu saamayn ku lahaa arinkan islamarkaana uu ahaa masuulka go’aankan soo saaray.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.