Wasiir Cukuse Oo Ku Guulaystay In Uu Gacanta Isu-saaro Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir iyo Musharrax Muuse Biixi

0

“Wasiir Maxamuud Xaashi maalmahan dambe hadal-hayntiisa Xisbigaa ku badan, wakaa Casuumadihiina bilaabay, waxaad garanaysaa in Shaqadii iyo Hawshii Xisbiguna ay shidan tahay, Maanta Xisbigu (Kulmiye) waa Shidan yahay..” Wasiir Cukuse

Hargeysa(Sayruuq):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa gacanta isu saaray Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo xurguf siyaasadeed ka dhaxaysay.

Munaasibad Qado-sharaf ah oo uu Wasiirka Madaxtooyadu u sameeyey Garabka Haweenka iyo Hoggaanka Kulmiye oo lagu qabtay magaalada Hargeysa shalay, ayuu Heshiiskaasi ka dhacay, isla markaana hadallo kaftan iyo sheeko ah ay isku waydaarsadeen Suldaan Maxamed iyo Musharrax Muuse. Waxa uu sidoo kale halkaa ka jeediyey Wasiir Cukuse hadal uu kaga hadlay arrimaha Xisbiga Kulmiye iyo heerka ay wakhtigan marayaan, isaga oo sheegay in Xisbigu xilligan shidan yahay.

Ugu Horreyn Wasiir Cukuse oo ku soo dhaweeyey Suldaan Maxamed iyo Musharrax Muuse Cod-baahiyaha, ayaa yidhi’ “Waxaan doonayaa inaynu markhaati ka ahaanno Muuse Biixi oo Musharraxeenna ah iyo Suldaankeenna Guud isku Iskuul bay ahaayeen, maantana way is-dooranayaan. Suldaankeenna guud wuxuu diyaar u yahay inuu u Footeeyo (codeeyo) Muuse Biixi Cabdi…..”

Markaas ka dib, waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaanu yidhi; “Waxaan ballan-qaadayaa Mudane Madaxweyne iyadoon kugu leenahay Taariikhda…….”

Sidoo kale, Musharrax Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalka qaatay, isla markaana ka mahad-celiyey Hadalka Suldaanka, kana sheekeeyey Saaxiibtinnimadoodii Dhalinyarannimo, waxaanu yidhi; “Suldaan aad iyo aad baad u mahadsantay, berigii horena saaxiibbo ayaannu ahayn intaanad Suldaanka noqon, laba Nin oo dhalinyaro ah oo reer Hargeysa ah oo saaxiibbo ah ayaannu ahayn, markaad Suldaanka noqotayna dib baan u kacay, markaa aad iyo aad baad u mahadsantay.”

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi-Cukuse oo mar labaad la wareegay Cod-baahiyaha, ayaa sheegay in Xafladdaas shalay ee uu Wasiirka Madaxtooyadu ku casuumay hoggaanka iyo Haweenka Kulmiye muujinayso in Xisbiga Kulmiye wakhtigan shidan yahay, waxaanu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan u mahad-naqo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo Casuumaddan innoo sameeyey, weliba Maxamuud Xaashi intii hore oo dhan Xukuumadda ayuu ku mashquulsanaa, maalmahan dambe hadal-hayntiisa Xisbigaa ku badan, wakaa Casuumadihiina bilaabay. Markaa, waxaad garanaysaa in Shaqadii iyo Hawshii Xisbiguna ay shidan tahay, Maanta Xisbigu (Kulmiye) waa Shidan yahay.”

Cukuse oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Waxaan doonayaa inaynu guusheennaa adkaysanno Xukuumad iyo Xisbi isku meel baynu u jeednaa, isku wax baynu ka shaqaynaynaa, waxaynu ka shaqaynaynaa Midhaha Xukunka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dalka uga tegay iyo horumarkiisa, waxaynu ka shaqaynaynaa Higsigeenna Xisbiga Kulmiye oo ah inaynu mar labaad Talada dalka ku guulaysanno oo uu Musharraxeenna iyo Musharrax ku-xigeenkeenna Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici ay noqdaan hoggaanka dalka.”

“Intaynu ka shaqaynaynaa waa intaas, maantana cidi innagama cudud-roona Illaahay mahaddii, Illaahayna ha innaga yeelo kuwii aanay ka wiiqmin ee aanay ka dhantaalmin, waxaynu ugu jecelnahay dal nabad ah, doorasho xalaal ah oo xor ah oo si qurux badan la innoola tartamo,, hadday inna xagxagtaanna ha xanaaqina illeen innagaa libintii haysannee.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.