Wasiir Cali Mareexaan Oo Kharashkii Dawladda Si Aan Tudhaale Lahayn Ugu Adeegsanaaya Shacbiga Bariga Burco Si Aanay WADDANI U Galin, Xili Abaaro Lagu Madhay Dalka Ka Taagan Yihiin

0

Hargaysa(Sayruuq)  Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka faa’idaysanaaya xilka uu ummadda u hayo, ayaa si naxdin leh oo aan tudhaale hayn wuxuu hantidii dadka ka dhaxaysay ugu adeegsanayaa Beesha Bariga Burco, isagoo si mintidnimo ah qofkii dareenkiisa iyo rabitaankiisa cabira uu ku soo abaabulaayo Shakhsiyaad uu laaluush ku bayacaayo.

 

In kasta oo aan dadka laalush iyo lacag lagu kasban karin, hadana Wasiir Cali Mareexaan kiishada hantida ummadda muu dhigan tan iyo intii Degaano kala duwani ay si isku xig xigta oo is dabajoog ah ugu soo birayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, in kasta oo Siyaasiyiibta iyo tageerayaasha ugu badani Xisbiga WADDANI kaga biirayeen muddooyinkii u danbeeyay Gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal, hadana wuxuu Wasiirka Hawlaha Guud xooga isugu geeyay Degaanka Togdher gaar ahaan bariga Burco, balse nasiib darro waxaa ooda soo jabsaday beelo waa weyn oo hal bacaad lagu lisay ka dhigay laaluushkii Wasiirku saydhinaayay, iyadoo Degmada Qoryaale oo ah meelihii Xisbiga KULMIYE hore looga tageerijiray ay u gureen xagga Xisbiga WADDANI, waxaa iyaguna munaasibad kumanaan qof ka soo qayb galeen oo Burco ka dhacday tageeradoodi ula soo digo rogtay Xisbiga WADDANI beesha Abokor Axmed Baaruud oo kamid ah beelaha ugu codka badan Gobolka Togdheer, kana mid ah beelaha Habarjeclo.

Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) ayaan ilaa hadda la ogayn sababaha u gaarka ah ee uu hantidii ummadda ugu adeegsanaayo la dagaalanka cidii kaga rayi duwan Xisbiga KULMIYE, iyadoo dadka ku dhaw-dhaw sheegayaan inuu ku dadaalayo sidii uu Wasiir markale ugu noqon lahaa Muuse Biixi Cabdi haddii uu doorashada ku guulaysto walow aan la hubin.

Si kastaba ha ahaate laalushka iyo xiiqsanaanta Wasiir Cali Mareexaan waxa siweyn uga biyo diidsan sida warar hoose sheegayaan Wasiirada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, oo ku doodaya in ummaddii Somaliland abaari dhammaysay oo laalush Xisbi loogu ololeeyo keeni karto cadho rabi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.