Wasaradda Tamarta Iyo Macdanta Somaliland Oo Heeshiis Saddex goosood ah la gashay Hayadda Adra iyo Kaafi Solar oo Hirgalin doona Mashruuc dhanka Tamarta ah .

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasaarada  tamarta iyo macdanta Somaliland iyo hay`ada Adra iyo shirkada Kaafi solar company  ayaa heshiis rasmi ah oo seddex geesood ah manta ku kala saxeexday xarunta wasaradda ee Hargeysa .

Hishiiskan oo ku saabsan dhica tamarta  cadceeda laga dhaliyo  kaas oo la dhelin doono  30 goobood oo ku kala yaala gobolada iyo degmooyinka dalka  kuwaas oo kala noqonaya  iskuulo , ceelal biyood  iyo  xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka .

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo  macdanta Eng Xuseen Cabdi  Ducaale  ayaa muhiimadda heshiiska iyo qiimaha uu Somaliland ugu fadhiyo ka hadlay “ aad baan ugu faraxsanahay una soo dhawaynayaa  in aanu maanta saxeexano hishiis noocan oo kale ah Kaas oo faa`iido badan u leh bulshada Somaliland  oo wax weyna  katari doona  baahidooda dhinaca korantada  haddii alle idmo , hishiiskan iyo kuwii hore ee aanu saxeexnayba waxa ay qayb ka qaadanayaa ilaalinta deegaanka iyo sidoo kale in  laga faa`iidaysto tamarta cusboonaata ee illaahay inagu manaysta”.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Siciid Axmed Jibrii ayaa sheegay qeybaha heshiiskan iyo meelaha loo asteeyay in laga hirgaliyo “Waxa kale oo hishiiskan ku hoos jira  mashruuc kale oo ah samaynta Girgirayaal casriya  oo ah nooca dhuxusha kaydiya  kuwaas oo adhan 10 000  girgire ,mashruucan oo loogu talo galay in shaqo loogu abuuro  muwaadiniinta ku shaqaysta xirfada samaynta girgirayaasha , dhinaca kale mashuuracani waxa uu Qayb ka qaadanayaa  badbaadinta deegaan  iyo yaraynta xaalufinta dhirta” .

Maamulaha hay`adda Adr saam ayaa isna dhiniciisa soo dhaweeyey heshiiska  sheegayna inuu ku faraxsan yahay hishiiskan .

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.