Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Faahfaahisay Shuruuc Loo Samaynayo Waaxda Korontada Dalka Una Jawaabtay Shirkaddo Cabasho Muujiyay

0

Hargeysa(Sayruuq) Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa sharraxaad ka bixisay ujeedada laga leeyahay shuruuc loo samaynayo waaxda korontada ee dalka, islamarkaana jawaab ka bixisay shirkaddo cabasho ka muujiyay qorshaha wasaaradda. Kulan saxaafadeed ay shalay xarunta wasaaradda ku qabteen masuuliyiinta wasaaradda iyo inta badan shirkaddaha laydhka ayaa lagu shaaciyay in Waaxda Laydhka ee dalku yeelanayso shuruuc lagu hago, islamarkaana dawladdu gacan ku yeelanayso.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Siciid Axmed Jibriil ayaa sheegay in aanay Waaxda Korontadu ka mid ahayn hannaanka suuqa xorta ah ee dastuurka Somaliland ku qoran maaddaama ay leedahay halis gaar ah islamarkaana ay dalka dhibaato u horseedayso haddii qiimaha laydhku sarreeyo. Waxa uu sheegay in shuruucdan oo golaha wakiillada hortaalla ay muddo kala arrinsanayeen shirkaddaha laydhka haddana uu gabogabo marayo. Waxa uu sheegay in kulan ay shirkaddaha la qaateen ahaa mid furan oo aan albaabadu u xidhnayn.

“Shirka aanu la yeelanay ma ahayn mid albaabadu u xidhan yahay, waanan soo bandhigi doona sawirrada iyaga oo nala fadhiya shirkaddaha iyo ciddii matalaysay dabadeedna markay ku qanci waayeen ay ka baxeen shir jaraa’id-na ay qabteen, shirka jaraa’id oo ay lahaayeen ‘ wasaaraddu cid gaara iyo shirkad gaar ah ayay la socota’ taas oo run ahaantii ka dheer xaqiiqada, wasaaraddu waxay u dhexaysa bulshada oo dhan, waxay u adeegt shirkaddaha, waxay masuul ka tahay inta sharcigu soo baxayo iyo inta la samaynayo xeer hoosaadada korontada in ay sii waddo ama hagto Waaxdan Korontada Waddanka ee guud ahaan Tamarta dalka. Wasaaraddu cid dhinaca ma saarayso, wasaaraddu uma kala eexanayso shirkaddaha cid gaar ah ama shirkad gaar ahna qoondo uguma xidhayso Waddanka, taas ayaan caddaynaya,” ayuu yidhi Agaasimaha Wasaaradda Tamarta.

Agaasimaha ayaa meesha ka saaray in cid gaar ah kooto loogu xidhayo laydhka Hargeysa ama guud ahaan Waddanka, waxaanu meesha ka saaray in suuqa Korontada ee Waddanku yahay mid iskii u madax bannaan oo aan cidi maamulin “Waaxdan la yidhaahdo Korontada ama Tamartu Suuq Xor ah oo sida raashinka loo soo dejiyo ama sida sharaabka loo qaybiyo uma shaqeeyo, xeerar, hageyaal iyo halbeegyo haggaya ayuu ku shaqeeya, sababtoo ah haddii aanu taas ku shaqayn waxa uu keenaya dhibaato fara badan oo dhimasho leh oo hanti baaba’da leh,” ayuu yidhi Agaasimaha oo intaasi raaciyay in ay diyaar u yihiin in ay qanciyaan shirkaddaha cabashada muujiyay.

“Shirkadduhu waxay doonayaan in ay faa’iido badan qaatan oo dadka qiimo badan saaran laakiin, sharcigan ayaa xukumaya oo lacagta la saarayo sheegaya oo odhanaya qiimahaagu inta maaha ee inta ku iibi, waxa ku xiga badbaadada oo ah in la yidhaa ‘Korontada aad samaynayso liisan lagu siin maayo ilaa aad soo gudbiso heerka aad ku samaynayso’ marka wuu soo gudbinaya guddi baana ansixinaysa,

Masuuliyiinta wasaaradda ayaa sheegay in muddo la sasabayay shirkaddaha Laydhka islamarkaana la waday wacyi gelin ku saabsan habka sharci ee ay u shaqeeyaan shirkaddaha laydhku. Waxa shirkaddaha la geeyay dalalka Bariga Afrika qaarkood si loo tuso hannaanka sharci taas oo wasaaraddu sheegtay in ay ku qanceen shirkadduhu.

Khubarada muddada dheer ku soo dhex jiray Korontada islamarkaana ka soo shaqeeyay dalalka dibada ayaa sheegay in aanay suuro gal ahayn in ka ganacsiga Laydhku noqdo suuq xor ah oo la isugu eryo sida Qaadka laakiin, ay muhiim tahay in dawladdu qorshayso meelaha laydhku marayo, qiimaha laydhka oo muhiim u ah wax soo saarka dalka iyo warshadaha, islamarkaana aanay dunida ka dhicin in shirkaddaha laydhku ka taliyaan laydhka iyadoo aan wax sharci ah lagu maamulayn. Waxay sheegeen in ay halis badbaado la’aan ah keenayso haddii shirkadduhu u shaqeeyaan sida ay rabaan oo aanay dawladdu maamulin.

Masuul ka socday shirkad muddo dheer laydhka Laascaanood ka shaqaynaysay ayaa sheegay in ay ogol yihiin shuruucda lagu hagayo hannaanka laydhka “Wasaaradda ayaa noo yeedhay waxay noogu yeedhayna waa shuruucdii nidaamkii laydhka waana hawl gabo gabo ah oo muddo laga soo wada hadlayay sidii loo fulin laha waanan ku qanacnay oo waxa aanu aamminsanahay oo taageerayna wixii ah nidaam, kala dambeyn, xeer iyo nidaam in uu shaqeeyo haddii kale waxba kala socon maayan oo nin maqas la ordaya oo wax gaynaya sidiisa uma shaqayso korontadu,” ayuu yidhi Sarkaal ka socday shirkad Laydh oo ka dhisan Laascaanood.

Shirkaddaha Laydhka ee shalay hadalka ka jeediyay kulanka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa dhammaantood sheegay in aanay korontada waddanku sharci la’aan ku shaqayn Karin sidaas awgeedna ay taageersan yihiin gacanta dawladdu ku yeelanayso ee ah samaynta shuruuc lagu hago waaxda korontada ee dalka waxaanay taageero u muujiyeen shuruucda gacanta lagu hayo iyagoo sheegay in hore wax looga waydiiyay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.