Wasaaradda Hawlaha Guud Oo War Ka Soo Saartay Caafimaadka Wasiir Qambi

0

Wasaaradda Hawlaha Guud Oo War Ka Soo Saartay Caafimaadka Wasiir Qambi
WAR-SAXAAFADEED
UJEEDO: XAALADDA CAAFIMAD EE WASIIRKA.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu Ku Suganyahay Xaalad Caafimaad Midii Ugu Wanaagsanayd, Dhib Iyo Xanuun Laga Dayriyo Midna Mahayo, Mana Yaalo Lamana Dhigin Cisbitaaladda Hargeisa Ku Yaal, Wax Dhakhtar Loo Dhigaana Mahayaan, Kaliyaata Hargab Fudud Ayaa Haleelay, Hoygiisa Magaaladda Hargeisa Ka Degnyahay Ayuu Jooga, Nasasho Iyo Fasax Ayuu Ku Jiraa.

Waxaanu Ka Xunahay Ereyadda Deelqaafka Leh Ee Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Hawadda Soo Mariyeen, Ayaan Daro Iyo Anshax Xumo Weeyi In Wax Laga Dayo Oo Xanuuna Lagu Sheego Masuuliyiinta Xukuumadda, Isla Markaan Loo Sahadiyo Xanuun Aan Hayn, Cidii Tiri Warkaas Iyadda Ayey Ku Maqantahay.

Xisbiga Waddani Waxa Uyaala Inay Buuxiyaan Kaalinta Mucaaradnimo Ee Ay Baneeyaan, Waxaana Uguba In Ay Habaaraan Isla Markaan Xanuun Iyo Dhibaato Usahadiyaan Masuuliyiinta Xukuumadda, Gudoomiyaha Anshaxa Xisbaga Waddani Ee Maanta Ereyadaasi Kasoo Yeedhaan Waanu Ka Xunahay Inuu Noqdo Dhallankii Hoyadii Ilamaha Baray.

Warbaahinta Madaxa Banaan Waxaan Ugu Baaqeynaa Inay Ka Waantawdo Wararka Been Abuurka Ee Ay Baahinayso, Waanu Ka Xunahay In Aad Siyaasadeysaan Qof Xanuunsanaya Isla Markaana Ay Ka Dayaan Iskudir Iyo Burabugaando. Maaha Madaxbanaasho Warbaahineed Cayda Iyo Qadaf Lagula Kacayo Madaxda Qaranka.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Agaasimaha Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Goboladda ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.