Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Oo Xabaal Wadareed Soo Bandhigtay

0
Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Oo Xabaal Wadareed Soo Bandhigtay

Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Oo Xabaal Wadareed Soo Bandhigtay

Wasaaradda caddaaladda JSL ayaa soo bandhigtay xabaal wadareed laga helay xaafadda Siinay ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, halkaas oo la qodi doono. Dad goob joog u ahaa dadkii halkaasi lagu laayay ayaa sheegay in ciidamadii Siyaad Barre 1988 si arxan darro ah dadkaasi u laayeen. Xabaashan ayay qodaysa koox khubaro ah oo la shaqaysa xafiiska xasuuqa ee wasaaradda Caddaaladda.

Xafiiska baadhista xasuuqa u qabaabilsan wasaaradda caddaaladda ayaa soo bandhigay tirada xabaalo wadareedada diwaangashan “Xabaala wadareedyada xafiiska xasuuqa u diwaan gashan waa 243 xabaalo wadareed oo dalka ku filiqsan kuwaas oo GPS, Maam iyo wax walba loo sameeyay. Waxay ku kala yaallan ilaa Ceerigaabo, Gabiley Wajaale, Arabsiyo, Hargeysa, Berbera, Burco iyo meel walba. 11 xabaalo wadareed oo ka mid ah waa la soo saaray oo team-kan inala jooga ayaa soo saaray oo aanu aad ugu mahad naqayno waana niman caalamka ka soo shaqeeyay oo khuburo ah,” Sidaas ayay sheegeen masuuliyiinta waaxda baadhista xasuuqa ee wasaaradda caddaaladda.

Wasiirka Caddaaladda mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye  ayaa si adag ula hadlay dawladda Soomaaliya xasuuqyadan gaysatay haddana Somaliland u soo hanqal taaggaysa “Aniga oo ka duulaya jawaabtii madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi siiyay maamulka Muqdisho waxaan cadow kasta oo dalkaygu leeyahay xasuusinaya in madaxweynahayagu hormuud ka ahaa halgankii dalkayaga lagu xoraynayay oo uu ku suntana halyayadii gobanimada dhaliyay; in ay waajib I saaran tahay aniga oo ka mid ahaa ubadkii 1988 halkan lagala qaxay oo ilaa Jabuuti la geeyay ee hooyooyinku la qaxeen maanta waxaanu diyaar u nahay in aanu dalkayaga difaacno aniga oo wasiir dhalinyara ah,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in uu difaaca Somaliland u taaggan yahay isaga oo 1988 carruurtii dagaalka lagala cararay ahaa “Waxay maanta keeneen in ay Somaliland cuno qabatayn saaran oo horumarkii Somaliland hor istaaggan oo si jeesjees ah uga hadlaan Khayre iyo Farmaajo, waxaanu leenahay sidaad doontaan u hadla waxaad doontana sameeya guushuna anagay mar walba na raacaysa mar walbana waanu idinka guulaysanaynay, bulshada caalamkuna waa in ay Somaliland citiraafto,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland ayaa sheegay in ay qorshaynayaan istiraajiyad cad oo lagula xisaabtamayo dadkii xasuuqa gaystay. Dagaalkii nidaamkii Soomaaliya ka talinayay 1988 ku beegsaday bulshada Somaliland ayay Qaramada midoobay ku qiyaastay in ay nus milyan qof ku dhimatay, islamarkaana aanay qiyaas lahayn hantida luntay iyo balan-balka bulshada gaadhay ilaa haddana cidna arrintaasi uma qoolna.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.