Wasaarad Ku Guuldaraysatay Qabashada Rubuc dhamaadkii Tartanka Ciyaaraaha Gobolada Somaliland, Oo Hargaysa Ku Qabatay Kulan Lagu Horumarinayo Ciyaaraha

0

Hargeysa (Sayruuq) Wasaaradda Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland, oo shacabka Somaliland, ugu suntan Wasaarad ku guul-daraysatay qabashada rubuc dhammaadkii tartanka ciyaaraha gobalada dalka Somaliland, ayaa Huteel Maansoor ku qabatay kulan ay ugu magac dartay gorfaynta horumarinta ciyaaraha iyo derdergelinta ciyaaraha kala duwan ee Somaliland.

Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland, ayaa Illaa iyo hada siyaabo aan la aqbali karin ugu guuldaraysatay qabashada tartanka rubuc dhammaadka ciyaaraha gobalada dalka Somaliland, oo qorshuhu ahaa in lagu qabto caasimada Somaliland ee Hargeysa, kaas oo la filayay in ay ka qeyb galaan xulalka gobalada siddeedii kooxood ee ka soo gudbay tartankii Is-reebreebka ciyaaraha gobalada ee lagu qabtay magaalo madaxyada gobalada Awdal, Iyo Burco, ee Boorama, iyo Burco.

Fashilaadan ku timi qabashada wareegii labaad ee tartanka ciyaaraha gobalada dalka Somaliland, oo ay qaranka uga masuul tahay Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha, ayaa weji gabax weyn ku ah geedi socodkii derdergelinta hannaankii lagu horumarinayay siyaasada ciyaaraha iyo dhallinyarada Somaliland, waxaanay dadka sida weyn ula socdaa arrintani ay sifeeyeen dib u dhaca noocan ah sida uu doono haku yimaadee in uu daliil cad oo marag ma doon ah uu yahay karti darrada iyo masuuliyad xumida Wasaarada Ciyaaraha oo qaranka hawshan ugu xil saaran, taas oo hadii ay sidan ku sii socoto noqonaysa buro ceebeed ka laalaada xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.