Warqad furan oo ku socota inanka hargeysa dooratey

0

Warqad furan oo ku socota inanka hargeysa dooratey

W/Q Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Xoghayaha Golaha Wakiillada
Maayir waan ku salaamayaa waxa qalinkan u qaatey inaan kuu soo gudbiyo hawshaas iyo xikaas umadeed ee qoorta kuu sudhan oo xil culus dadka aad sahanka u tahey waa dad daalan oo u baahan inaad ugu adeegti sida hooyo wiil kaliya dhashey ay ugu adeegto sedex qodob baan ku soo jeedinayaa
1 Dhinaca siyaasada
2 Dhinaca sharciga
3 Dhinaca maamulka
hadaan ku horeeyo siyaasada waxaad kamid tahey xil gole degaan ama maayirka caasimada waxaad is cunsiisaa xisbiga mucaaradka ah iyo xukuumada maxaafidka ah labadooda isku wad oo mid’na haka dheeraan.
Dhinaca sharciga
waxaa yaala oo ku hagaya xeerka ismaamulka xeer lr 23/2019 Xeerkaasoo aad ka heleyso dhamaan shaqada lagu igmadey waana in lagu tababaraa xubnaha golaha deegaanka waa inaad sharcigan aad fulisaa si aad cid walba aad ka gar heshid
shaqaalaha dawlada hoose waxaa xeerkan cadeynayaa iney ka mid yihiin shaqaalaha dawlada dhexe arintaasina waxey kaa caawineysaa in shaqaalaha lagu qoro tartan xalaala

Dhinaca maamulka
ugu horeyn waa inaad sameysataa xeer-hoosaadka uu qeexayo xeerlkan 23 inta aanad shaqo qaban degdegna ugu gudbisaa w arimaha gudaha sida xeer 23 ku cad
shaqada labaad waa inaad sameysataa five year plan qorshe shan sanadood ah oo dhab ah oo aad u kala horeysiineyso baahiyaha lagama maarnaanka ah oo aad ku saleyneysi waxaad heleyso iyo waxaad haabaneyso
ta sadexaad waa halkaan u socdey arintas si fiican u akhri mushkiladaha golayaasha degaanku waa xubanaha golaha deegaanka oo maayirka mashquuliya talo ayaan maayir kaa siinayaa
xubanaha golaha deegaanka shaqada ayaad wax ka siineysaa hargeysa waa sideed degmo waxaad u magacaabeysaa sideed xildhibaan iney gudoomiyayaal ka noqdan sideed xaafadood ee hargeysa halkaad cid kale u msgscaabi laheyd halkaa sideed ayaad shaqadii wax ka siisey dadkii soo doorteyna hey is barteen xeerku wuxuu kuu ogolyahey seddex guddi kumana diidayo inaad ka badiso marka laga reebo maayirka iyo maayir ku xigeenka 7 Xubnood ee kale waxaad ka dhigtaa gudoomiyryaal guddi ku darsoo waxaad hawlgalisey dhamaan xubnihii golaha deegaanka oi qabanaya shaqo maalmeed joogto ah oo xubin kasta aad la xisaabtameysi raga hawl gali si aad u noqotaan team wada shaqeeya ha u kala faalin xubnaha isgu faali
dhinaca miisaaniyada
miisaaniyadu waa sawirka laga akhristo in dalkaasi ama hayadaas halkey ku socoto iney hormar gaadheyso iyo iney dib u dhaceyso
maayir miisaaniyadaad ku talogalka ah waa inaad u soo bandhigtaa shacabkii ku doortey adigoo u sheegaya waxa la helaayo waxa la qabanaayo waxa loo baahan yahey iyi waxa laga rabo
gabagabo
maayirka caasinada waxa ku hor taala markaad kursiga fadhiisato hawlo aad u balaadhan waxaad kaga gudbi kartaa in golaha laguka doortey aad ku wada shaqeysaan team work
waxan ku raheynayaa hamigaa aad xanbaarsan tahey in ilaahey kuu fududeeyo
wa bilaahi tawfiiq

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.