Wariye Cawil Daahir oo ku dhintay Qaraxyo saakay ka dhacay Muqdisho

0
Wariye Cawil Daahir oo ku dhintay Qaraxyo saakay ka dhacay Muqdisho

Wariye Cawil Daahir oo ku dhintay Qaraxyo saakay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(Sayruuq)- Wariye ka tirsan TV Universal oo lagu magacaabo Cabdicasiis OK ayaa goor dhaw u xaqiijiyay Warbaahinta in qaraxii hore ee ka dhacay Tayaatarka uu ku geeriyooday Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa wariyayaasha Soomaaliyeed ee magac-weyn ku dhax lahaa warbaahinta Soomaalida isaga oo ka howlgalayay TV-ga Universal.

Qaraxan Labaad ee ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ayaa lagu waramayaa in uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, sidoo kale waxaa ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladii la soctay.

Qaraxa hore ayaa saameyn ku yeeshay dhismayaasha ka ag dhow Tiyaatarka Qaranka iyo Hooyooyinka, waxaana goobaha uu saameeyay ka mid ah Idaacada Kulmiye ee degan dhismaha Guriga Hooyooyinka iyo Xafiiska Telefishinka Universal oo ku dhow Tiyaatarka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.