Wargeyska African Business Week Muxu Ka Yidhi Socdaalkii Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Ku Yimid Somaliland?.

0
Somaliland representative will be tasked with expanding relations with Taiwan.

Wargeyska African Business Week Muxu Ka Yidhi Socdaalkii Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Ku Yimid Somaliland?.

Hargeysa(Sayruuq) Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, Md. Axmed Shide, ayaa booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland Arbacadii, waxaanay ka wadahadleen Somaliland cilaaqaadka labada dal.

Sida uu daabacay Warsidaha East Africa Business Week, ee ka soo baxa Uganda, oo warkan ay ka soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo ku warramay in JSL ay u soo jeedisay Itoobiya iyo Masar inay dhex-dhexaadiso khilaafkooda la xidhiidha biyaha Webiga Niilka.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen masaalixda labada dal.

Warsidaha East Africa Business Week, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin xulafo aad iskugu dhow oo ku yaalla Geeska Afrika, waxaanu tilmaamay wargeysku in labada dal ay shuraako ku yihiin casriyeynta marsadda Berbera oo Itoobiya ku leedahay Saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban.

Waxa kale oo uu wargeysku tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka wada shaqeeyaan jidka dhererkiisu yahay 250Km oo isku xidhaya Berbera iyo magaalo xudduudeedka Wajaale, kaasi oo ay gacanta ku hayso dhismihiisa Hay’adda Abu Dhabi Fund ee dalka Imaaraadka Carabta.

wargeyska East Africa Business Week ayaa sidoo klae tilmaamay in ay Somaliland xidhiidh iskaashi la yeelatay dhawaan dalka Taiwan, kaas oo ay dawladda Shiinuhu ka xumaatay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.