Wargeys Sheegay In Marwo Aamina Waris Xil Ka Qaban Doonto Xukumadda Muuse Haddii Uu Guulaysto

0

Hargeysa(Sayruuq) Warar lagu kalsoon yahay Oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa faah faahin ka bixiyay Qorshaha uu dejisan qoyska Madaxweyne Siilaanyo maalmaha soo socda marka uu talada dalka ka dego,Waxaanay wararkaasi sheegayaan in Marwada Madaxweynuhu Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamuud Jirde Xil ka qabanayso haddii uu Kulmiye Talada dalka ku guulaysto halka Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland ee Dawladii UDUB Marwo Hudda Barkhad iyaduna Xilka ka raajicinayso Haddii uu WADDANI Talada dalka ku guulaysto.

Xogo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Xisbiga Kulmiye iyo Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in Marwo Aamina-Sheekh Maxamuud jirde ay suurtagal tahay inay Xil wasiirnimo oo culus ka qabato haddii uu talada dalka ku guulaysto Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,Halka uu Madaxweyne Siilaanyo sida u qorshaysan uu ka shaqayn doono Arimo ku saabsan Caafimaadkiisa,islamarkaana uu si caadi ah uga nasan doono buuqii iyo daalkii uu ku soo jiray Mudadii uu dalka maamulayay ee ku dhawayd Sideed sanadood,waxaanu marka hore si caadi ah ugu guuri doonaa Gurigiisii caadiga ahaa ee Hargeysa kuyaalay kaasi oo sanadkii u dambeeyay dib u casriyay lagu waday islamarkaana faraha laga qaaday oo si casri ah loogu habeeyay.

Dhinac kale,Waxaa maalmihii u dambeeyay soo baxayay warar sheegaya inuu Dalka ku soo fool leeyahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, islamarkanaana uu taageero u fidinayo Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI,arintaasi oo aan loo ogayn si caadi ah,islamarkaana aanay kala cadayn jiritaanka warkaasi balse sida aanu warar hoose ku helnay waxa si weyn u danaynaysa Xisbigaasi Guushiisa Marwo Hudda Barkhad oo ah xaaska Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin,Waxaanay xogoha aanu helnay noo xaqiijiyeen inay Marwo Hudda Barkhad aad u raajicinayso inay xil Muhiim ah ka qabato haddii uu Talada Dalka ku guulaysto Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI. Wararkan ayaa intaasi ku daray inay si toos ah Xidhiidh ula leedahay Xisbigaasi islamarkaana ay kujiraan oo ay Xubno firfircoon ka yihiin Xubno badan oo Haweenka Xisbigaasi ka tirsan oo horena u taageeri jiray Xisbigii UDUB ee Daahir Riyaale.

Majiro warar rasmi oo arintani ku saabsan oo ka soo baxay Xisbiyadda ay arintani Khusayso Balse waxa uu Wargeyska Foore ka helay Shaqsiyaad lagu kalsoon yahay oo wargaleen ah. Sidoo kale Warar lagu baahiyay Mareegaha Wararka ayaa lagu sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin uu bulshada Somaliland ugu baaqay inay foojignaan kaga gudbaan Doorashada islamarkaana waxa uu xusay in Qarannimada iyo Midnimada Shacabku ka weyn tahay Rabitaanka Qof iyo Qofaf-ba.

Source: Foore

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.