Wargeys Norway Ka Soo Baxa Oo Soo Bandhigay Masuul La Filayo In Madaxweyne Muuse Biixi U Magacaabo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.

0

Waa Muwaadin Somaliland u dhashay oo haysta dhalashada Norway,Wakiilna u ah Genel Energy
Hargeysa(Sayruuq)-Wargeyska Nettavisen ee ka soo baxa dalka Norwy,ayaa baahiyay nin la filayo inuu Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi u magacaaabo wasiirka macdanta iyo khayraadka dabiiciga .
Wargeysku ,isagoo soo xiganaya xoggo muhiim ah oo uu halay wuxuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, la filayo inuu wasiirka macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah u magacaabo Ibraahim Maxamed Xasan ooa h 66jir reer somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Norway.
Wargesyku waxaa uu sheegay in Ibraahim oo ay tartanka wasiirnimada ku wada jiraan in kale ay u dhowdahay inuu isagu noqdo wasiirkaas.
Ibraahim,ayuu wargaysku sheegay inuu hadda u shaqeeyo shirkadda Genel Energy ee hawlaha shidaal baadhista ka wadda Somaliland,waxaanu hore u bartay cilmiga injineernimada shidaal iyo khayraadka isagoo ka soo shaqeeyay shirkadaha Asante iyo Saga Petrolium ee dalka Norway.
Wargeyska ayaa sheegay in uu Ibraahim ka mid ahaa Soomaalidii dalka Norway gashay sanadihii toddobaatanaadkii,aayaa waxa uu ahaa sannadihi u dambeeyay wakiilka Genel Energy ee Somaliland,Waxaanu caan ka ahaa hawlihii shidaal baadhiseed ee ay shirkadda Genel Energy ka wasay Somaliland,isagoo dhawr jeer ka soo dhex muuqday warbaahinta Somaliland ,waxaanu qeyb ka ahaa hawlgalo uyo wada hadalo ay yeesheen shirkadda Genel Energy iyo wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.

Sayruuqnews

Hargeysa-Office

contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.