Wargeys Helay Magacyada Wasiirrada La Magacaabayo Iyo Prof Samatar Oo Cadho Ku Maqan

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, oo shalay xilka qaranka loo dhaariyay ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda soo dhiso golihiisa wasiirada ee bedeli doona xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa u muuqda inuu adkeeyay xogaha dibadda uga soo baxaya ee ku saabsan golihiisa cusub ee wasiirada iyo shakhsiyaadka la filayo inuu u xusho golaha wasiirada. Laakiin haddana warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa tilmaamaya in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ka koobnaan doonto 22 wasiir iyo dhawr wasiir-xigeen, kuwaas oo uu u qaybin doono beelaha Somaliland.

 

Sida ay xogaha uu Geeska Afrika helay tilmaamayaan shakhsiyaadka la filayo inay ka dhex muuqdaan xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi, inkastoo aanay weli rasmi ahayn haddana waxa ka mid ah.

 

Dr. Sacad Cali Shire oo noqon doona wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah

Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar; oo noqon doona wasiirka maaliyadda

Dr. Garaad Cige, oo noqon doona Wasiirka caafimaadka

Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo noqon doona wasiirka arrimaha gudaha

Md. Xasan Gaafaadhi oo noqon doona wasiirka xanaanada xoolaha

Md. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), (Lama xaqiijin weli wasaaradda loo dhiibayo)

Dr. Cismaan Sheekh Axmed, oo noqon doona wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo noqon doona wasiirka diinta iyo awqaafta

Md. Yaasiin Maxamuud Faratoon, wasiirka oo noqon doona waxbarashada iyo tacliinta sare

Md. Jaamac Maxamuud Cigaal (Weli lama xaqiijin wasaaradiisa)

Saleban Yuusuf Cali koore (Weli lama xaqiijin wasaaradda loo dhiibayo)

Cabdillaahi Abokor Cismaan (Weli, lama xaqiijin wasaaradda loo magacaabayo)

Shugri Xaaji Baandare (Weli, lama xaqiijin wasaaradda loo magacaabayo)

Prof Samatar

 

Warar kale oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Professor Axmed Ismaaciil Samatar uu ka cudur daartay inuu noqdo wasiirka qorshaynta ee xukukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo cudur-daarka Samatar ku saabsani haddana wararku waxay sheegayaan in macalinkan jaamacadeed u qawaday xilka wasiirka qorshaynta isagoo hore u filayay inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda balse uu Madaxweyne Muuse Biixi go’aansaday inuu xilkaas dib ugu magacaabo Wasiir Sacad Cali Shire.

Xigasho: Geeska Afrika

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.