Wargayska Washintong Post Oo Warbixin Xiiso Leh Ka Diyaariyey Somaliland.

0

“Waligay ma cafin doono Bambooyinkii ay na la dhaceen (Rajiimkii Maxamed Siyaad Bare)” sida waxa ku yidhi Xasan Maxamed ah Oday Cireystay oo muwaadin Somaliland u dhashay oo Wakaaladda Washingtonpost kula hadlaayey  isaga oo hoostaagan Taaladda Diyaaraddu saaran tahay ee Caasimada Hargeysa.

Warbixinta Washingtonpost waxa lagu sheegay inay dadka reer Somaliland 70% dhalinyar 1991-kii wixii ka dib dhashay ay yihiin, halka tiradda dadka reer Somaliland-na tiro koob mudo dheer ka hor la sameeyey lagu tilmaamay inay ka badan yihiin 3.5 Milyan oo qof, isla markaana fikirka ah budhcad badeedka iyo dagaalyahaneynta Islaamiyiintu aanu haba yaraate Somaliland wax ka shaaqeeya aheyn, halka ay mushkiladaha ka dhacaaya muqdisho ay umadda reer Somaliland yihiin kaliya miday akhbaaraadkeeda wararka uun ka dheehdaan.

 

Danjiraha Somaliland ee dalka Itoobiya u fadhiya mr Maxamuud Jaamac oo la hadlaayey Wargeyska Washingtonpost, isla markaana horumarka Somaliland mudadii 24 ka sano aheyd ee ay jirtay ay ku talaabsatay iyada oo aan gacan taageero oo dhaqaale ka helin beesha caalamka halka Bilyanaad doolar lagu qasaariyo Maamulka Mudqdisho ee Somalia waxa uu yidhi “Somaliland waxay ku guuleysatay wixii ay ku guulaysan laheyd iyada oo taakulo xadidan oo yar ka hesha bulshadda Caalamka iyaga oo u arkaaya Lacagaha Bilyanaadka doolar ee Muqdisho lagu sii daabulaayo ee macno darada ku baxa, waxaan filayaa inay Beesha Caalamku faras dhintay wali usha la dhacayaan wali (Deeqaha ay colaadaha Muqdisho ku bixiyaan bulshadda caalamku) takhti dheer wali inta aad daneynaysaan Muqdisho”.

 

Wargeyska oo warbixintiisa sii wata waxa uu sheegay in dawladda aan Xeebta iyo badaha laheyn ee Waddanka Itoobiya uu ku raad joogo sidii uu umaddiisa 90-ka Milyan ee qof ka badan ugu heli lahaa Dekked uu wax uga soo dejiyo, halka uu 90% wakhtigan uu badeecadihiisa dhinaca badda iyo dibaddaha ka isticimaalo Marsadda dalka Jabuuti oo ah waddan aad u yar balse leh Dekked aad u weyn oo sannad kasta Lacag ka badan 1.5 Bilyan dolar uu ka helo dalka Itoobiya oo uu ka  Kireeyo baddeecaddaha uga soo dega ama uu ka dhoofiyo halkaasi sannad kasta, balse qorshaha hadda ay Somaliland wado uu yahay inay 30% Baahiyaha dhinaca marsadda Berbera ay ka dabooli doonto dalka Itoobiya oo dhawaan baddeecadihiisa uu ka isticimaali doono halkaasi. “Waxay u baahan yihiin (dawladda Itoobiya) adeegyadda isticimaalka dekedda Berbera ee Somaliland , waa arin aanu si fiican u garaneyno , waxaanan isku dayi doona in aanu daboolo baahidooda iyaga ,mana aha waxa Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqayn doonaan kaliya waddada Dekedda Berbera aad balse waxa laga wada shaqaynayaa waxa weeye xidhiidhka iyo ilaaqaadka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya” sida waxa wargeyska u sheegay Sharmare Jaamac oo ah la taliye dhinacyadda dhaqaalaha iyo ganacsiga  wasaaradda arimaha dibadda Somaliland ah.

 

Waxa sido kale wargeyska Washintonpost warbixintiisa ku sheegay inay heshiis hor dhac ah oo taariikh ah wada galeen sannadkii 2014-kii dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya  kaasi oo hirgelintiisana la filaayo in dhawaan la hirgeliyo kaasi oo wada xaajoodkiisana xata ay ka qayb yihiin khubaro iyo Kombaniyo Caalami ah iyagu lacagta maalgashiga keeni doono si loo dhiso loona maalgeliyo dekedda Berbera, waxaana ka mida h Kombiniyadda daneynaaya maalgashiga dekedda Berbera sida Shirkadda Fransiiska laga leeyahay ee HP-Bollore oo la sheegay inay Somaliland wada hadal kula jirto sidii ay Dekedda Berbera u maalgashan laheyd oo mudo sannado ah la hadal hayo arinteeda iyo shirkadda kale ee DP World ee  Dubia xaruntiisu tahay lagana leeyahay oo isaguna guclo ugu jira sidii uu Xukuumadda Somaliland heshiis dhinaca maalgelinta maarsadda Berbera ah ula gelilahaa.

 

Maareeyaha Dekedda Berbera oo isagu ah masulka 20-kii sanno ee ugu dambeeyey gacanta ku hayey Maarsadda Berbera waxa uu yidhi oo Wargeysku wax ka waydiiyey maalgashiga shirkaddaha shisheeye ku doonayaan inay Dekedda Berbera ku maalgashaadaan waxa uu yidhi  “Fikirku waxa weeye sidii hada loo bilaabi lahaa inay shixnado dekedda berbera ka soo dega ay dawladda Itoobiya gaadhaan, si hadaba shixnadaasi loo soo marsiiyo waa in waddo loo helo ilaa sannadka soo socda,  sida darteed wax waliba way fiicnaan doonaan markaasi heshiiskana markaasi waa loo gudbi karaa”

 

Dayac Tirka Iyo Kharashaadka

 

Wargeyska oo si gaar ah diiradda u saaryey Qiima Dayactirka iyo kharashaadka ku bixi kara Maalgelinta dekedda berbera gaar ahaan waddada Itoobiya ku xidha Marsadda Berbera oo la dhisi doono waxa uu sheegay in kasta oo wakhtigan ay dawladda Itoobiya isticimaasho Marsadda Berbera 5% inay hadda qorsheynayso in si deg deg ah ay maraakiib ay leedahay u isticimaalaan dekedda Berbera ka badan 30% sodon isla markaana la dhiso waddada isku xidha Xuduudka Itoobiya ay la leedahay Somaliland ilaa Dekedda Berbera, balse Qiimaha iyo kharashka ku kici doona jidka Itoobiya ku xidhi doona marsadda Berbera ayaa lagu sheegay in tahay Qiimo aad u badan iyada oo dhererka wadadana lagu sheegay (300/Killomiter ama 180/Mile) ay ku bixi doonto lacag dhan $200 Milyan oo doolar halka ay Miisaaniyadda dhan ee Jamhuuriyadda Somaliland tahay $300 Milyan oo dolar wax ka yar, taasi oo ka dhigaysa qorshaha dhismaha  ee Jidka dawladda Itoobiya doonayso inay Dekedda Berbera iyo dalkeeda isku xidho lacagta ku bixi doonta inay noqon doonto mid Miisaaniyadda Somaliland u dhiganta in leeg inay noqon doonto.

 

Waxay warbixinta oo sii socota sheegtay in Somaliland aanay awood u laheyn bixinta ama maalgelinta kharashkaasi $200 Milyan ka badan iyo xata wax u dhaw toona oo ay ku bixiso dhimaha Jidkaasi, babtuna tahay in aanay laheyn Hay’addaha dhaqaalaha sida baan xoogan ee dalalka hore u maray leeyihiin , balse ay dhaqaaleheedu ku tiirsan yihiin taakulo dhaqaale shesheeye gaar ahaan waddanka Ingiriiska oo ah dalka ugu badan ee taageerada dhaqaale siiya Somaliland maadama oo uu yahay dal hore Isticimaar Somaliland joogi jiray isaga oo Taakuladda dhaqaalena u soo mariya Sanduuqa Mucaawimooyinka ee SDF, iyada oo sido kalena uu door talo bixin ah  ku leeyahay horumarinta Dekedda Berbera iyo mashruuca Berbera Corridor ee habsami u socodka gaadiidka Itoobiya tegi doona iyo kuwa ka yimaadaba.

 

Waxa dhinaca kale warbixintu tooshka ku ifisay hagar daamo maamulka Muqdisho uu ku Jalaafeeyey Shir ay bishii hore isku dayeen inay ururka ay leeyihiin Midawga reer Yurub ay qorshaha dhismaha Waddada Itoobiya iyo Magaaladda Berbera la doonaayo inay isku xidho oo lacag loogu ururinlahaa, inay shirkaasi hor joogsadeen Maamulka Somalia ka taliyaa iyaga oo ku doodaya inay wali Somaliland dal madax banaan aheyn ee ay iyaga ka tirsan tahay isla markaana shirkaasi dib u dhac ku yimid waxaana Wasiirka arimaha dibadda Somaliland oo arintaasi ka hadlaayey uu yidhi “Mararka qaar waxay isku dayaan inay dawladda Muqdisho ka jirta mushkiladu Somaliland ku abuurto waa markay ay jirto Caawimo iyo horumarinta Somaliland , xata in kasta oo kulankayagii u dambeeyey ee aanu Jabuuti ku wada yeelanay waxay na la saxeexdeen inay arimaha horumarinta aanay Siyaasad gelin doonin” ayuu yidhi Wasiir  Dr Sacad

Go’aanadda Hadda Loo Baahan Yahay

Ugu dambeyntii Wargeyska WashingtonPost waxa uu warbixintiisan Xiisaba leh ee uu ka qoray Mashruucan Berbera Corridor iyo Waddada qarashka badani ku bixi doono loo baahan yahay in laga qaato oo ku lafo guray talaabooyinka wali horyaala ee loo baahan yahay in laga gudbo waana kan isaga oo Agaasimaha Machadka Nabada iyo Horumarinta ee Somaliland Maxamed Faarax waxka waydiinayey ugu jawaabay “Iyada oo aan wax laga qaban nidaamka Qabiileysan ma sameyn kartid horumarin dhaqaale, haddiise aan taasi la helin Somaliland dhaqaaleheedi mudo dheer ayuu sidan ahaan doona , carqlad kalena way jirta oo ah inay Ictiraaf la’aantu noqotay arin kale oo ay maalgashadayaashu noofa fogaadeen” ayuu yidhi

 

Cabdirisaaq Maxamed oo ah Nin Aqoonyahan reer Somaliland kuna koray magaaladda London waxa uu ka shaqeeya Kombani IT-ga ka shaqeeya sido kalena ay wada shaqeyn leeyihiin  ganacsato Maleeshiyaan ah  dhisaysa Shirkad Hilibka Xoolaha dunida u dhoofinaysa , ayaa ka sheekeeyey dhibaato uu kala kulmay sidii uu ganacsatadda ah iskaashiga leeyihiin ee  Ajaanibka  ah ugu qancinlahaa in uu jiro dal Somaliland la yidhaahdo aan Somalia aheyni  waxaanu yidhi “Aduunyadu waa inay rumeysata inay tahay dal nabad badan oo dawladnimadu shaqaynayso, waana qaran aad ganacsi ku yeelan karto

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.