Wareejintii Haamaha, Amaradda Maamulka Cusub, Shaqaale La Eryay Iyo Gurriga Maareeyihii Hore Oo Laydhka Laga Jaray

0
????????????????????????????????????

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa shalay si rasmi ah shaaca uga qaaday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ee muranku ka taagnaa, lagu wareejiyay shalay lix shirkadood oo gaar loo leeyahay oo xukuumadu ka kiraysay.

Wasiirka oo war kooban siiyay BBC, wuxuu sheegay in shirkado lix ah oo horeba u keeni jiray shidaalka lagu wareejiyay maamulka haamaha, isla markaana ay wasaaradda ganacsigu ka kiraysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah. Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. “Haamuhu Berbera kama guurayaan waxaana leh qaranka oo waa hanti qaran, cid gaar ah oo yeelaynaysaana ma jirto shirkadahana waxaa loogu wareejiyay in ay maal-gelin ku sameeyaan oo ay ganacsatada dalku ku dhiirato in ay dalka maal gashadaan waana tallaabo wanaagsan oo dhanka horumarka loo qaaday in muwaadiniintu dalka maal gashadaan. Marka muwaadinku dalkiisa maalkiisa ku aamino ee uu maal-gashado ayay ajaanibkuna danaynayaan maalgashiga dalkeenna.” Ayuu yidhi wasiir xigeenka ganacsiga Bashiir cabdi Xariir. Xafladda shalay ka dhcday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah. Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin.

Dhinaca kale warar magaaladda Berbera naga soo gaadhay ayaa sheegay, in isla shalayba maamulka cusub ee shirkadaha haamaha la wareegay ay qaadeen talaabooyin taban oo dhinaca shaqaalaha ah, isla markaana ay eryeen sida xoguhu tibaaxeen shaqaale tiraddooda lagu sheegay ilaa 11 qof. Xoguhu waxay intaa ku dareen in maamulka cusubi ee shirkadaha ee la wareegay haamuhu uu durba ku dhaqaaqay go,aan ka dhan ah Maareeyihii hore ee Haamaha Sheekh Saleebaan, isla markaana ay gurigiisa ka gooyeen korantadii.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.