Wareegtadii uu Banka Somaliland ku soo rogay Xawaaladaha oo Fashilmay

0

Hargeysa (Sayruuq) Banka Dhexe ee Somaliland oo Muddooyinkii ugu danbeyey La daala dhacayey sidii uu wax uga qabban lahaa  Sicarbararka  Shillinka Somaliland ayaa waxa uu wareegto ku soo saaray in dhammaan Xawaalaha kala duwan ee shacabku ka qaatan lacagaha loo soo diro, in qof wal oo lacag loo soo diro uu Boqolkiiba Soddon ku qaato  Shillin Somaliland, Amarkan uu Banku ku soo rogay Xawaalaha ayaa waxay Xawaaladuhu isku dayeen in ay Fuliyaan Balse waxa Arrintaasi Diiday Shacabka iyada oo markii hore qof walba lacagtiisa ku qaaddan jiray Dollar, marku doonana suuqa ka Sariifan jiray, waxaanay Shacabku Wareegta banka ku tilmaameen in ay tahay mid xaqiiqada ka fog madama qofku hor uu yahay lacagtiisa inta uu Shillin Somaliland ka dhiganayo iyo inta uu Dollar ka dhiganayo.

Wareegtadii  Banku soo saaray ayaa Noqoday Mid fashilantay markii shacabku dhag jalaq u siin wayeen, waxaanay dadka Dhaqaalaha ka Faaladooda ay sheegen in aanay Wareegta Banku soo saaray ayaan ahayn mid laga Fikiray oo laga baarandey basle ahayd mid lab-lakac ah oo aan ku saleysan aqoon.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.