Warbixinta NISA Aan Su’aal Iska Waydiino

0

WARBIXINTA HORDHACA AH EE NISA AAN SU’AAL ISKA WAYDDIINNO?

Warbixintii hordhaca ahayd ee sirdoonka Soomaaliya ee tibaaxaysay in ay heleen ciddii ka dambaysay qaraxii 28 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho aan wax yar iska wayddiinno? Waxa ay yidhaahdeen qaraxii boqollaalka qof ee masaakiinta ah galaaftay dhimasho iyo dhaawac ee sida muuqata ugu yaraan dhawrka bilood la ga soo shaqaynayey waxaan ku ogaannay ciddii ka dambaysay muddo labo cisho gudahood ah ciddaasina waa dawlad shisheeye!

Waxa aynnu ognahay qof dil qof kale u gaystay markhaati la’aan in helistiisu qaadato todobaadyo iyo bilo. Sidee ayey suuro-gal ku tahay wax dawlad weyn oo shisheeye soo agaasintay oo ay ka soo shaqaysay in muddo 48 saac gudahood ah la gu ogaado? Intaa waxa dheer in aynnu ka wada war-qabno itaalka sirdoon ee Soomaaliya aqoon iyo farsamo ahaan halka uu gaadhsiisnaan karo.

Baadhitaanka noocan ah sida ugu dhakhsaha badan ee la gu soosaari karo natiijo hordhac ah (preliminary report) waxa ay qaadanaysaa inta ay qaadato dalalka Soomaaliya ka itaalka roon. Tusaale ahaan, Itoobiya toogashadii Cabdimajiid waxa ay ku soosaartay natiijada hordhaca ah saddex bilood, tii rasmiga ahaydna shan bilood. Cabdimajiid waxa uu ahaa hal qof oo la toogtay ma ahayn qarax la soo abaabulay. Toogashadaa Cabdimajiid waa uu ka badbaaday.

Sidoo kale weerarkii ka dhacay dalka Kiiniya ee tukaankii Westgate marka la ga reebo sheegashada cidda weerarka lahayd Wali baadhistiisii waa ay socotaa faylkiina la ma xidhin. Weerarka Westgate waxa uu dhacay 21 September 2013 waxana uu soo afjarmay 24 September 2013. Qaraxii Muqdisho ka dhacay waxa uu kun jeer ka kakan yahay kan Cabdimajiid iyo kan Westgate Shopping labadaba.

Qaraxaa intaa baaxadda le’eg ee Muqdisho ka dhacay oo aaney cidna sheegan waxa baadhistiisu qaadan kartaa haddii dalal shisheeye oo Soomaalida ka farsamo badani saacidaan baadhistiisu ugu yaraaan 60 cisho. Waa marka weliba la helo kaalmo sirdoon oo shisheeye (external intelligence support).

Maxaad u malayn dal Soomaaliya oo kale ah itaalkiisa? Dal ciidankiisa amnigu u arkaan in ay ku guuleysteen fashilinta weerar noocan oo kale ah marka boqollaal shacab ahi dhintaan iyaga oo ku andacoonaya in ay badbaadiyeen masuuliyiin qaraxu gaadhi kari waayey oo nasiibku badbaadiyey!

‘Preliminary Report’ ayaan gudbinnay ayey yidhaahdeen. Macnihiisu waa in xogta la hayo ee hordhaca ahi tahay mid la hubiyey in ka badan 80% caddaymaheedana wadata, halka 20% ka hadhay uu yahay faahfaahinta xogta oo keliya. Masaakiinta la xasuuqay ayaa sidaa loo gu warramayaa.

Waxa la iska fogaynayaa in la fashilmay oo la gu guul-darraystay wixii la gu magacownaa ee markii horeba magac u yaalka ahaa . Alle ha u gargaaro shacabka Magaalada Muqdisho ee halaaggu ku socdo. Shacab aan cidna xil iska saarin amnigooda iyo noloshooda. Shacab la dulkeenay boqollaal dawladood oo col ah, kala duwan oo kala dano ah, cidda xukunka u haysaana dan shisheeye u adeegayaan.

Mohamed O. Hagi Mohamoud

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.