Warbixin:Doorashada Somaliland Waxay Furtay Wado Taariikhi ah.

0
Dimuqraadiyadii Somaliland Jihadee ayey u socotaa?

Hargeysa(Sayruuq)-Waxaa soo idlaatay guud ahaan Somaliland codeyntii saaka loo dareeray ee dorashadda madaxtooyadda Somaliland ,guul aad u weyn ayaa ka soo hoyatay natiijadda ka hor  oo waxaa si nabadgaliyo iyo dagaanan ah ku dhamaatay codeynta .shabkadda wararka Sayruuqnews oo soo kormeertay Gooba door ah ayaa waxay ahaayen kuwa la soo camiray si aad u balaadhan markaad is barbar dhigto doorashadii 2010 ,goobaha codbixta waxaa la furay saak 7:00 aroorinmo ,waxaana  isu diwaangaliyey ka qeyb qaadashadda doorashada madaxtino ee jamhuuriyada Somaliland in ka badan 700,000  oo qof ,waxaa laga codaynaayay in ka badan 1600 goobood ,saaka waxaa muwaadiniinta Somaliland u diyaar ahaayeen in ay doortaan Madaxweynihii Shanaad tan iyo 1991.

Guud ahaan jawiga caasimadda Somaliland wuxuu ahaa mid dagan oo waxaad arkaysaa dadka oo dhex lugaynaaya laamiyadda kadib markii komishanka doorashooyinka qarankuu uu amar ku bixyeen joojinta gaadidka iyo iska goosha magaalooyinka iyo gobaladda ,iyagoo kaliya u ogalaanayay gadiid tiro yar oo ku dhow ilaa kun gaadhi oo ay siiyeen taariko (casaan iyo cadaan iskugu jirta) oo luuqadda qalaad marka la soo gaabiyo komishanka ku xardheen(NEC),bulshadu waxay ku jireen safaf dhaadheer oo labba ah ,kuwa u gaar ah haweenka iyo safka ragga,intaan goobaha maraynay waxaa argnay bulshadda oo u fududeynaysaa codeynta dadka da`adda ah iyo kuwa naafadda ah ,dadka qaar ayaa sugayay kuyuuga oo ku sugnaa ilaa 3 saacadood .

Ciidamadda booliska iyo kuwa miltariga ayaa waajibaadkooda si qurux badan u gudanyaya ,waxaad arkaysay booliska oo qebqebanaaya gawaadhida Taarikadda Caadiga ah wadtay ee aan la ogleyn iyagoo qabqabanaaya ,sidoo kale waxay si hufnaani ku jirto ukala hurayeen mawjadaha muwaadininta ah ee codka dhiibanayay ,waxaan wax la sheegi karo argney saaka labba qof oo cardkii codeynta sita oo loo sheegay in aan cod loo hayn oo islamarkaana ay codeeyeen ,mid ka mid ah labbada ruux oo nin qiyaasti 50 jir ah ayaa ii sheegay inu wali sugayo in lagu qanciyo sida loogu codeeyay cardkiisa maadamo uu isagu haystay ,komishanka ayaanu arrintaasi jawaabteeda ka sugaayay ,dhinaca kale shaqaalaha komishanka oo ahaa ardayda jaamacadaha Somaliland ayaa iyaguna ahaa qaar ay gacan culeys ku jirto waloow ay safafku waqti ku began 11:00 duhurnimo ay ahaayeen kuwa nafis ah .

Goboladda intaan xog ka heyno si weyn baa loogu soo baxay doorashadda ,sool ,Sanaag,Boorma ,Saaxil iyo Togdheer waxaa laga soo sheegaya in doorashadu codeyntii laga soo afmeeray.

Sayruuqnew

Xafiiska Hargeysa

contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.