Warbixin Iftiimisay Dhibaatooyin aan Aqoonsi Somaliland Hesho Waxba ka Beddeli Karin

0

Khubaro Afrikaan ah oo caddeeyey in Somaliland xaq u leedahay aqoonsi buuxa oo ay ka hesho beesha caalamka
• Carqaladaha haysta Somaliland ee lagaga gudbi karo aqooni caalami ah iyo arrimaha aan xal loo heli karin haddii la helo ictiraafka

Hargeysa (Sayruuq)- Warbixin ay soo saareen khubaro u dhashay qaaradda Afrika, ayaa lagu sheegay in aqoonsi la’aantu dhibaato joogto ah ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay jiraan dhibaatooyin aan xal degdeg ah loo heli karin xitaa hadday hesho aqoonsi buuxa.

Patrick

Warbixin ay soo saareen khabiiro ka tirsan Mac-hadka la yidhaa Brenthurst Foundation oo xaruntiisu tahay dalka Koonfur Afrika oo la baahiyey bishii July ee sannadkii 2011, balse Jamhuuriya u soo qaatay xuska sannad-guurada 24aad ee Somaliland awgeed, waxa lagu caddeeyey in dhibaatooyinka qaadku ku hayo bulshada ka mid yihiin waxyaabaha aan waxba laga qaban karin haddii Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho beesha caalamka.

Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Komishanka Midowga Afrika Mr. Patrick Mazimhaka iyo Greg Mills oo hore u booqday Somaliland, soona saaray warbixintan, ayaa sheeegay in dadka reer Somaliland ee qabatimay cunista qaadku ka badan tahay 20%, sidoo kalena lacag dhan $450 kun oo dollar maalin kasta lagu bixiyo cunistiisa, taasoo dhaawac ku ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

“Waxa jira dhibaatooyin aan waxba laga qaban karin ama meesha laga saari karin xataa haddii Somaliland aqoonsi ka hesho adduunka, balse marka xaaladaha qaar loo eego dhibaatooyinkaasi wayba ka sii xumaan karaan sida ay hadda yihiin. Dhibaatooyinka aannu aqoonsigu waxba ka beddeli karin waxa ka mid ah balwadaha qaadka ee bulshadu qabatintay, kaasoo ay si joogto ah u cunaan dad badan oo reer Somaliland ah, maalin kastana waxa lagu kharashgareeyaa lacag ka badan $450 kun oo dollar, iyadoo la ogyahay in qaadku aannu dhaqaale-burbur oo qudha sababin, laakiin waxa uu keenaa in ummaddu ka caajistu horumarka iyo waxqabadka, taasoo hoos u dhigta heerka wax-soo-saarka ee dalka,” ayaa lagu yidhi warbixinta uu soo saaray mac-hadka laga leeyahay dalka Koonfur Afrika.

Sida warbixinta lagu sheegay, Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in jaadku dhibaatooyin xun ku hayo bulshada iyo qaranka, waxaannu yidhi; “Waa mid ku dhex fiday bulshada oo wata dhibaatooyin halis ku ah bulshada, caafimaadka iyo dhaqaalahaba, waana mid u baahan in aannu si xooggan hadalno.”

Waxa kaloo khubarada warbixintan qoray iftiimiyeen in qaadku sababay ama abuuray ganacsato xoog badan oo ka baayacmushatareeya qaadka, taasoo lafteenuna ah dhibaato kale oo aan aqoonsi la helo waxba ka qaban karin, meeshana laga saari karin, maadaama ay ku dhex milmeen dhiigga bulshada macmiisha ah qaadka ay iibiyaan.

Mills

Sidoo kale, waxay xuseen in sababaha dumarku kaga maqan yihiin golayaasha qaranka Somaliland ay tahay mid dhinaca dhaqanka la xidhiidha oo aan xal degdeg ah loo heli karin haddii la helo aqoonsi. Gudniinka fircooniga ee lagu sameeyo hablaha yaryar, ayaa ka mid ah dhibaatooyinka aannu aqoonsi la helo meesha ka saari karin, iyadoo sida la qiyaasay 95% ay hablaha reer Somaliland la kulmaan gudniinka.

Dhinaca kale, waxa warbixintu si faahfaahsan u sharraxday guulaha kala duwan ee Somaliland gaadhay muddada ay goonida ka ahayd dalka Soomaaliya, iyadoo guulahaasina lagu sifeeyey inay yihiin qaar dadka reer Somaliland kelidood qabsadeen, kana mid yihiin doorashooyin hab dimoqraadi ah u qabsoomay, dawladnimo, ammaan iyo nabadgeyo buuxda, iyagoo aan wax taageero ahna ka helin beesha caalamka.

“Somaliland way buuxisay shuruudaha dawladnimo ee aqoonsiga lagu helo, maadaama ay tahay dal jira oo leh dhul ay xukumaan, xuduudo cayiman, dawlad shaqaysa, ciidammo awood u leh inay dadkooda difaacaan. Waxa kaloo Somaliland ka jirta xasillooni buuxda oo degaannadooda oo dhan ka hirgashay, aad ayeyna uga duwan yihiin Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixinta khubarada Afrikaanka ah, iyagoo intaa ku daray in aanay Somaliland dhismi karin kelideed haddii aanay taageero caalami ah helin.

Waxa kaloo ay warbixintooda ku sheegeen in Somaliland door weyn ka qaadato la-dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo xag-jirnimada, laakiin aanay arrimahaas sii wadi karin haddii aanay helin aqoonsi buuxa, kaasoo ah mid ay xaq u leeyihiin, maadaama ay Somaliland iyo Soomaaliya markoodii horeba kala ahaayeen labada dal oo kala madaxbannaan, xornimana ka kala qaatay dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga sannadkii 1960-kii, balse si iskood ah markii dambe u midoobay, kadibna Somaliland dib ula soo noqotay dawladnimadeeda sannadkii 1991-kii markii ay xasuuq iyo burbur kala kulantay midawgii Soomaaliya.

Xigasho:Jamhuuriya

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.