Warbixin Golaha Ammaanku Soo Saaray Oo Somaliland Lagu Dhalliilay

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Wasaaradda Beeraha Somaliland ku eedeeyay in ay farogalin ku sameysay mashruuc ay Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO ugu talo-gashay beeraleyda Somaliland.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in mashruuc 10 kun oo tan oo siidh iyo bacarimiye ahaa oo beeraleyda loogu talogalay in loo qaybiyo sannadkii 2018kii ay joojisay, ka dib markii ay Wasaaradda Beeraha Somaliland ay damacday in ay siiso soodejinta mashruucan ganacsato ay iyadu wadato, kuwii ku guulaystayna ay ka hor istaagtay.

Warbixin uu soo saarey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u dhignayd sidan:

“Bishii Jeenaweri 2018 ayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee FAO ay Somaliland ka bilawday mashruuc lagu soo dejinayo siidh iyo abuur 10 kun oo tan ah, loona daabbulayo beeraleyda marka la gaadho bisha May 2018.

Bishii Feberweri 2018 ayay Hay’adda Cuntadu soo xushay 20 ganacsato oo agabka soo dejiya, kuwaas oo Wasaaradda Beeraha ee Somaliland ay ansixisay. Hasayeeshee Wasaaraddu waxay ka gaabsatay in ay warqadihii oggolaanshaha siiso ganacsatadii, marka hal ganacsade laga reebo. Ka dibna Hay’adda Cuntada iyo Wasaaradda Beeruhu waxay heshiis ku gaadheen in afar ganacsato loo fasaxo soodejinta agabka. Haddana bilihii May iyo June 2018 ayay Wasaaraddu mar labaad is hortaagtay hannaanka soodejinta iyadoo oggolaanshihii u diidday saddex ka mid ah afartii ganacsade ee la isla qaatay.

Soojeedin ay Wasaaraddu ku rabtey in loo fasaxo ganacsadaha ay wadato ayay Hay’adda Cuntadu qaaddacday.

Bishii June 2018 ayay Hay’adda FAO ay Wasaaradda Beeraha u dirtay warqad ay ku cabbirayso walaaceeda ku wajahan soo faragelinta Wasaaradda. Abuurkii iyo bacrimiyayaashiina waqtigii loo qabtay lagu ma soo dejin, iyagoo eersaday is-hortaagga Wasaaradda Beeraha. Sidaa awgeed ayay Hay’adda Cuntadu u joojisay mashruucii bishii July 2018.”

Source: Suxufi Khaalid foodhaadhi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.