Waraysigii Dheeraa!!!! Prof Cabdi Cali

0
Ha Loo Sheego Qolada Shaqadan Leh in Waxa La Ilaalinayaa uu Yahay Wax La Yidhaa Dhaqaalaha Dalka!!!
Prof Cabdi Cali Jaamac

Waraysigii Dheeraa!!!! Prof Cabdi Cali

Wariyihii: Xaalkaaga ka warran immika; ma ka xumaatay go’aankii xisbiga la idinkaga saaray?

Cabdo Cali: aad baan u fiicanahay; runtii waan la yaabay; laakiin anigu ma cadhaysni, balaayona ima hayso; waxay ii caddaysay uun wixii awalba aan shaqada uga tegay oo ahayd in qof go’aan laga qaato oo la xukumo iyada oo aan waxba la waydiin oo aan qofkii la arag. laakiin anigu waan ku faraxsanahay go’aamadaydii iyo xaaladdan immika aan ku jiro; markhaatigiina waa kaa ilaahay keenay; mar kale ayay ku celiyeen isla wixii aan kaga tegay.

Wariyihii: saw ta la yidhi wuu cadhaysan yahay?

Cabdo Cali: waar horta ma iyagaa ii hadlaya mise aniga ayaad dareenkayga i waydiinaysaa; dee, anigu mabsuud baan ahay; wax ba ma tabayo; dee ninka la eryo ee sabri waaya ayaa la ydihaa wali wuu cadhysan yahay; dee, anigu shaqada dawladda anigaa iskaga tegay oo is casilay; xisbigan immika la yidhi waa lagaa saaray na; isaga dacwad baan ka qabaa; waxan is leeyahay garta adigaa helaya; waaba loo wada joogi; haddii garta layga helana waan ogolahay; laakiin cidda cadhaysani maanta ayay soo baxday; waa cidda Xisbi aan shaqaba hayn oo guri cas noqday dadka ka saaraysa; anigu ilaahay mahaddii baan joogaa; mabsuud baan ku ahay xaaladda aan ku jiro; waa dacaayad ay dadka ka dhaadhiciyaan in aan cadhaysanahay; iyagu talaw miyaanay mabsuud ku ahayn xilalka ay hayaan; malaa iyagaa cadhaysan oo jiq ah.!!!

dabeecaddayda anigu isma ammaani karo, ismana dhaliili karo, laakiin bal kumannaan arday baan macallin u noqday ee ha la waydiiyo; fadlan i furta oo waxba ha ii qarinina, dadkana been ha u sheegina haddaan dabeecad xumahay; qofka waxa la bartaa marku awood leeyahay; lama barto marka uu kuu baahan yahay; macallinku wuxu leeyhay awood; awood aqooneed oo maaddada uu dhigayo ah iyo mid maamul ba wuu ku haystaa ardayga; ismana qariso dabeecaddiisu; yaa odhan kara macallin wax ii dhigay sannad ama simistar dabeecaddiisa ma aqaan?; shaqsiyaddiisu bannaanka ayay taalla qofka macallin kuu noqday shaqsiyaddisu bannanka ayay taallaa, maxaa yeelay waxa is aragteen isagoo maalinba xaalad ku jira.

Wariyihii: oo haddaa waa maxay waxan aad qor qortaa, ee aad soo dhigtaa baraha bulshada?

Cabdo Cali: Saaxiib, Wariyaha Sona, waa 2.30 maalinnimo, ee indhahaan yara casaysanayaa inta ka horraysa salaadda casar, ee ha inoo ahaato markaan soo tooso, inshallah.

Wariyhii: Cabdo, waa ku sidee LIVE baynu ku jirnaaye!!!! oo sawta la yidhi wuu qayilaa, waa maxay hurdadani?

Cabdo: waar waa maalinta khamiista, ee jimcaha la nastaana ku xigo ninyaw, waad waalantahee!!

La soco
Prof Cabdi Cali Jaamac

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.