Waraysi Wakhtigii uu Noolaa Allaah Haw naxariistee Cabdillaahi Diiriye Sooraan Laga qaaday

0

Waraysi Wakhtigii uu Noolaa Allaah Haw naxariistee Cabdillaahi Diiriye Sooraan Laga qaaday.
Waxa Qoray Aw Guud Cade
waraysigan kula yeeshay halabuurkii iyo fannaaniinkii weynaa, Cabdillaahi D Sooraan (1940s-2015). Waraysigu wuxuu ku soo baxay tirsigii 2&3 ee Dayr/Jiilaal ee 1993/1994, Xidhmadiisii 1aad. Isaga oo sawiran ayaan ka helay barta Facebook ee Warsame Yaasiin Cismaan. Dabadeed dib baan u garaacay. Waayo waxa aan u arkay waraysi aad u miisaan culus, oo micno weyn innaga siinaya fanka, fanka xiisaha ku salaysan iyo midka lacagdoonnimada ku fadhiya, xorriyadda fannaanka, kaalinta halabuurka, doorroonaanta fanka jilitaanka, iyo mawduucyo kale oo la baaxad ah. iftiimintan aan ku ladhay mooyee, waraysigu waa sidii uu jariiradda ugu qornaa, marka laga yimaaddo meelo aan tifaftir ku sameeyay oo u badnaa ilduuf qoraaleed.
***
WARAYSI
Kutalagalka HAL-ABUUR waxa ka mid ah in tirsi kasta waraysi lagula yeesho shaqsiyad ka mid ah dadka qiimaha ugu fadhiya ama gacanta weyn ka geystay hawlaha suugaanta, fanka, iyo guud ahaan aqoonta Soomaalida. Waxgaradka ugu horreeya ee lagu xogwaraysanayo tirsani waa Cabdillaahi Diiriye Sooraan. Sooraan waa fannaan weyn ooy Soomaalidu wada taqaan. Waa halabuur curiya riwaayadaha, heesaha iyo codadka muusigga. Waa heesaa codkiisa aad loo jecel yahay. Waa jilaa hibo weyn u leh fanka matalidda iyo ka-qoslinta dadka. Muddo soddon sano ka badan ayuu safka hore kaga jiray waxqabadka masraxa Soomaaliyeed; wuxuu ka qaybqaatay jilitaanka dhawr iyo labaatan riwaayadood oo uu badankooda xiddig ka ahaa, sida riwaayadihii “Alla aamin ma iisho” ee Axmed Saleebaan Bidde, 1964, “Sarreeye hoosee” ee Cabdi Aadan Qays, 1967, “Qabrigii jacaylka” ee Maxamuud Cabdillaahi Singub, 1973, iwm.
Wuxuu curiyay riwaayado ay ka mid yihiin “Lamahuraan waa caws jiilaal,” 1967, “Dhedo roob noqon weyday,” 1980, iyo “Waan ku jecelee dadka hay jebin,” 1993. Heesaha uu tiriyay way badan yihiin, kuwa uu qaadayna way ka sii badan yihiin. Kuwa aad u caanka ah waxa ka mid ah “Goohay,” “Lahasho,” “Hohey hurdo habar ma horiso,” iwm. Guud ahaan heesihiisa iyo riwaayadihiisa wuxuu ku cabbiraa xaaladaha taagan ee nolosha bulshada, siiba dhinacyada xanuunka leh ee loo baahan yahay in dawo loo helo.
Sooraan hadda wuxuu ku nool yahay magaalada London. Wuxuu ka mid yahay koox u badan fannaaniin sidiisa caan ah oo dhibaatada xun ee dalka ka dhacday ku khasabtay in ay magangelyo wayddiistaan dalka Ingiriiska. Waa kan waraysigii:
S: Cabdillaahi, ugu horrayn waxaan jeclaan lahaa in aad akhristayaasha fikrad ka siisid bilawgii soo-ifbaxa hibadaada fannaan ahaan iyo halkii aad ka bilawday hawlaha fanka, adigoo soo koobaya.
J: Hawshii ugu horraysay ee aan soo bandhigay waxay ahayd hees magaceedu ahaa “Way i maanqaadday,” oo aan ka qaaday Raadiyow Hargeysa sannadkii 1961. Waxay ahayd heesaha aan sameeyay tii ugu horraysay. Waqtigaa dadka fanka gelayaa u may geli jirin lacagdoon, waxay u geli jireen jacayl ay u hayeen. Anigu waxaan u shaqayn jiray hay’adda biyaha, hawlaha fankana waxaan qaban jiray waqtigayga nasashada. Fannaaniinta kalana sidaas ayay wada ahaayeen, marka laga reebo qaar aan badnayn oo idaacadaha la shaqayn jiray.
S: Sida aan ogsoonnahay, waxaad hibo weyn u leedahay dhawr jaad oo kala duwan oo ka mid ah jaadadka fanka, sida halabuurka, riwaayadaha iyo maansada, curinta codadka, jilidda, ku-luuqaynta heesaha, ooy codkaaga aad uga helaan dad fara badan oon ka mid ahay aniga qudhaydu. Ma jiraan jaadadkaas mid ay nafsaddaadu si gaar ah u jeclaysato, ama aad si dheeraad ah isaga dhex hesho? Haddii uu jiro, waa maxay sababtu?
J: Haa, wuu jiraa. Waa jilidda riwaayadaha. Sababtana waxaan filayaa in ay tahay, iyadoo ay aad iigu dhawayso dadka aan wax u gudbinayo. Waa fanka ugu wanaagsan ee dadka wax looga dhaadhicin karo. Waa fanka keliya ee suurtageliya in ay fannaanka iyo dadweynihiisu midoobaan, isku milmaan ama yeeshaan dareenwadaag sokeeyannimo oo toos ah.
S: Taariikhda fanka casriga ah ee Soomaalida—sida riwaayadaha, heesaha iyo muusigga—waxay soo martay marxalado kala duwan. Marxaladahaas tee is leedahay way ugu hodansanayd, ama xilligee ku qiyaasi lahayd kii ugu wanaagsanaa?
J: Kontannadii iyo lixdannadii, ilaa sagaal iyo lixdankii.
S: Maskaxdii berigaas fanka hoggaaminaysay, yaad ka magacaabi kartaa halabuurkii safka hore kaga jiray?
J: Marka aan ka warramo dhankii xog-ogaalnimadaydu u badnayd, ee ahaa xagga waqooyiga, hormuudka mu’llifiinta waxa ka mid ahaa Cabdillaahi Qarshe, Xuseen Aw Faarax, Cali Sugulle, Barkhad-Cas, iyo Ismaaciil Axmed “Hadhuudh.” Xagga heesaagana, Maxamed Axmed, Dararamle, Maxamed Saleebaan, Cismaan Maxamed, Maxamed Yuusuf, Cumar Dhuule, Guduuda-Carwo, Maandeeq, Baxsan, iwm; waxaan ka hadlayaa intaan anigu soo gaadhay.
S: Wixii ka danbeeyay 1969kii, ma waxay kula tahay in uu hoos u dhacay horumarkii fanku?
J: Wixii waqtigaa ka danbeeyay fanku hoos buu u socday ilaa uu baabba’ noqday.
S: Sababtu waa maxay?
J: Xorriyad-la’aan. Ardayga haddii subax kasta lagula soo kallaho “Alif dheh!” maskaxdiisu halkaa uun bay ku qalalaysaa. Weligeed “Ba” u gudbi kari mayso. Xukunkii waddanka ka talinayay fannaankii wuxuu ka dhigay askari wixii lagu amro mooyee aan wax kale sheegi karin.
S: Cabdillaahi, kooxdii qaranka ee aad ka tirsanayd, Waaberi, dad badan baa waxay qabaan in ay ahayd mikrofoon u taagan ammaanta kelitaliyaha iyo xukunkiisa. Arrintaad maxaad ka leedahay? Ma waxaad leedahay khasab bay ahayd? Mise arrintuba sidaa way ka duwan tahay?
J: Labadaba. Horta sannadihii hore dadka oo dhan ayaa u sacab-tumayay Siyaad Barre iyo xukunkiisa, oo u haystay in uu keeni doono isbeddel wanaagsan. Fannaaniintuna dadkay ka mid yihiin. Taa khasabkana waan sheegay. Abwaannadii iyo halabuurkii waxay magan u noqdeen askar iyo nabadsugid aan oggolayn wax aan ahayn ammaanta aad sheegtay. Tan kale, ammaantii iyo boorbogaandadii badnayd ee idaacadaha iyo meel kasta looga heesi jiray wixii ka heesayay badankoodu Waaberi ma ahayne waxay ahaayeen kooxo fara badan oo weliba askar u badan ama ciidammada ka tirsan, sida Heegan, Halgan, Onkod, Horseed, iwm. Waaberi markay noqotana, waayihii danbe oo dhan wixii wax allifayay waxay ahaayeen intii askarta ahayd. Abwaannadii hore iyo mu’allifiintii waaweynayd beri hore ayay iska aamuseen, markii eraygii qiima lehba la yidhi waa “kacaandiid” ee la is hortaagay.
S: Laakiin halabuurka dhabta ahi ma aha in uu is dhiibo, waa in uu raadsadaa marba xeelado cusub oo uu isku cabbiro, sidii dhici jirtay berigii gobannimada loo dagaallamayay iyo lixdannadiiba; miyaanay kula ahayn?
J: Isma aannu dhiibine intaa rag baa dagaal ku jiray. Waxa ka mid ahaa maansayahannadii silsiladdii Deelley; waxa ka mid ahaa raggii debadda u baxay ee soo tirinayay maansada ka horjeedda nidaamkii jiray; waxa ka mid ahaa oo wax weyn ahaa fannaaniintii markii danbe iyagoo Xamar jooga samaynayay riwaayadihii iyo heesihii ay ka midka ahayd heestii caanka ahayd, “Laan Kuruuser.”
S: Cabdillaahiyow, sidaad og tahay, marka taariikhda dib loo raaco, fannaaniinta iyo suugaanleyda Soomaaliyeed waxa lagu yiqiin waqtiyada qallafsan in ay noqdaan codka ugu waxtarsan, ugu daacadsan, uguna dhiirran ee had iyo jeer umadda indhaha u fura, wanaagga ugu baaqa, xumahana uga diga. Hasayeeshee, maanta waxaad mooddaain la la’ yahay codkii halabuurka, waqtigii baahida u weyn loo qabay, waqtigan Soomaalidu ay ku jirto dhibaatadii ugu xumayd ee ina soo marta taariikhdeenna. Ummuurtaasi maxay kula tahay? Maxay se ku sugan yihiin fannaaniintii Soomaaliyeed?
J: Waa su’aal muhiim ah. Horta fannaaniintii waxay ku sugan yihiin, waa adiga arka barakaca iyo kala-firdhadka ku dhacay ooy intoodii badnayd dalal shisheeye qaxooti ku yihiin, nasiibdarro. Laakiinse dhibaato taa ka sii weyn ayaa jirta, waana ta keentay in la waayo codkii fannaanka: Umaddii reer-reer iyo xaafad-xaafad ayaa loo kala kaxeeyay, oo warmo la isugu dhiibay. Fannaaniintu bulshada uun bay wax la qabaan. Burburka dhacay iyo reer-reerka umaddii la isaga horjeediyay khasab way saamaynayaan fannaaniinta—waa la salfanayaa. Inta aan la salfan ee weli fayawna waxba laga dhegaysan maayo. Waxay taagan yihiin halkii Timacadde ka lahaa, “Nin qalbi la’ Quraan kii u dhigay, ‘qaaf dhe’ ku harraadye.” In badan ayaa intaa dhawaaqaya, oo wanaag iyo danta guud ku dhawaaqaya, laakiin yaa dhegaysanaya. Kuwa waxa xun ku dhawaaqaya ee fidmada iyo colaadaha hurinayaa way haystaan wax dhegaysta iyo wax dhiirrigeliya, laakiin kuwa waxa san ku dhawaaqayaa ma haystaan cid dhegaysata iyo meel ay dhawaaqooda mariyaan midna. Codkii waa jiraa, laakiin intaanu meella gaadhin ayaa boqol shaabadood oo madmadow lagu dhufanayaa, jidkana laga xidhayaa. Intaanay waxani dhicin, fannaanka nin reer hebel ah loo ma arki jirin, isna isu ma arki jirin; umadda wuu u sinnaa, isku si baa loo dhegaysan jiray oo loogu sacbin jiray. Maanta se, nasiibdarro, kii dabaylaka dhacayaa jiiteenna afarta ay isku reerka yihiin uun baa u jiibisa, kii mowqifkiisii hore ku adkaystayna wuxuu noqday ‘hal nin gurrani dheelmiyay dhanna u ma fayooba!’ In la dhegaysto iska daaye, la ma nabadgelinayo. “Soomaaliweyn buu u jeedaa!” “Kala-goosi buu u jeedaa!” “Qoluu u jeedaa!” “Khayaanuu u jeedaa!” Intaas oo dhagax ayaa midba dhinac kaga soo dhacayaa.
S: Markaa, maxaa talo ah?
J: Waxa talo ah, fannaaniinta iyo waxgaradka kale ee caafimaadka qabaa in ay iska ilaaliyaan niyajabka iyo quusta kaga iman kara xaaladdaa aan soo sheegay. Waxa loo baahan yahay in la sii wado dedaalka oo la sii kordhiyo, sida ay haddaba dad badan oo suugaanley ahi dedaalka ugu jiraan intii karaankooda ah. Waxani way is beddeli doonaan. Dadka xadhko adag baa lagu xidhay waa se la jari doonaa xadhkaha. Haddaad haddeerba u fiirsato jewiga, wuu ka beddelan yahay sidii uu ahaa sannad ama laba sano ka hor.
S: Su’aasha u danbaysa, ma jiraan hawlo aad hadda adigu gacanta ku hayso, halabuur ahaan, maxaa se kuu qorshe ah sannadaha soo socda?
J: Hadda waxaan gacanta ku hayaa riwaayad cusub oo magaceedu yahay “Maba lulatee maxay leeftaa!” Waa riwaayad culus oo ka hadlaysa waxa maanta dhacaya iyo dhibaatooyinka taagan. Halkaa ayaan ka sii wadi doonaa, marba wixii suurta gala.
* Waxa waraystay Tifaftiraha HAL-ABUUR.Waraysi: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Wargeyskii HAL-ABUUR ayaa 1993 magaalada Landhan waraysigan kula yeeshay halabuurkii iyo fannaaniinkii weynaa, Cabdillaahi D Sooraan (1940s-2015). Waraysigu wuxuu ku soo baxay tirsigii 2&3 ee Dayr/Jiilaal ee 1993/1994, Xidhmadiisii 1aad. Isaga oo sawiran ayaan ka helay barta Facebook ee Warsame Yaasiin Cismaan. Dabadeed dib baan u garaacay. Waayo waxa aan u arkay waraysi aad u miisaan culus, oo micno weyn innaga siinaya fanka, fanka xiisaha ku salaysan iyo midka lacagdoonnimada ku fadhiya, xorriyadda fannaanka, kaalinta halabuurka, doorroonaanta fanka jilitaanka, iyo mawduucyo kale oo la baaxad ah. iftiimintan aan ku ladhay mooyee, waraysigu waa sidii uu jariiradda ugu qornaa, marka laga yimaaddo meelo aan tifaftir ku sameeyay oo u badnaa ilduuf qoraaleed.

* Waxa waraystay Tifaftiraha HAL-ABUUR.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.