Wararkii U Danbeeyay Ee Waraaradii Xalay Ka Dhacay Bosaaso ,Dhimashada Iyo Dhaawacu Halkay Maryaan.

0

Boosaaso(Sayruuq)Magaalo Gancsiyeedka Ugu Dakhliga badan Ismaamulka Soomaaliyeed Ee Puntaland ayaa  Fiidnimadii xalay oo Axad ahayd waxaa magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Maamulka Puntland ka dhacay laba weerar oo lagu qaadey laba goobood oo kala gedisan.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay goob jidgooyo ah oo habeenkii ciidamada Boolisku gawaadhida ku baadhaan waxaana lagu weeraray bomka gacanta laga tuuro, kadibna waxaa la maqley rasaas la is dhaafsanaayo.

In kasta oo maamulka Gobolka Bari si rasmi ah uga hadlin ayaa wararku sheegayaan in hal askeri ku dhintey weerarkaas, waxaana dhaawac soo gaadhey saddex qof oo shaah ka cabaayey meherad ku dhaw goobta la weeraray, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay guri uu magaalada Boosaaso ku leeyahay Maayarka degmada Carmo oo Magaalada Boosaaso u jirrta 90KM, Maxamed Cali Shire, guriga ayaa ku yaalla Galbeedka magaalada.

Wararku waxay sheegayaan in Duqa Degmada Carmo dhaawac culus soo gaadhey kadib markii dabley hubeysan ay bombo gacmeed iyo rasaas ku weerareen xaafaddii uu ku sugnaa. Waxaana weerarkaasi ku geeriyoodey mid ka mid ah ilaaladiisa, halka dhaawac soo gaadhey afar qof oo 3 yihiin dumar, kuwaas oo guriga ku sugnaa xiliga weerarku dhacayey.

 

Dhaawaca duqa Degmada Carmo ayaa la geeyey cisbitaal magaalada ku yaala halkaas oo xaaladdiisa lagula tacaalayo. Laakiin ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarradaasi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.