Wararkii u dambeeyay Xaaladda Somaliland

0
Wararkii u dambeeyay Xaaladda Somaliland

Xaraaradda siyaasadda Somaliland ayaa kacsan kadib muran xooggan oo soo kala dhexgalay Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Xukuumadda madaxweyne Biixi kuwaas oo isku haya Cabdirashiid Riyo-raac iyo Kaltuun Sh Xasan oo madaxweynuhu ku daray Komishanka cusub.

Mudaharaaddada xisbiga Waddani arrintan kaga jawaabay ayaa la filaya in ay maalinta Berri ah ka sii socdaan guud ahaan xarumaha xisbiga ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. masuuliyiinta gobollada ee xisbiga ayaa taageerayaasha xisbiga ugu baaqay in ay xarumaha isugu yimaaddaan iyaga oo ayidaya farriin Cabdiraxmaan Cirro.

Wararku waxa ay sheegayaan in la xidhay guddoomiyihii gobolka Saaxil ee xisbiga Waddani Sheekh Saleebaan Siciid Cali iyo Xaawo Rooble guddoomiyihii garabka haweenka ee Awdal. labadan masuul waxay ka mid ahaayeen madaxda taageerayaasha ugu baaqay isu soo baxa berri. waxa wali xidhan afhayeenka xisbiga iyo xoghayihii guud.

Waxa kale oo jira warar ku saabsan ilaalada Guddoomiye Cirro kuwaas oo ay u yimaaddeen ciidamo doonaya in ay ku laabtaan xeryaha ay ka tirsanaayeen laakiin, inkasta oo ay jiraan qaar ku laabtay xeryaha ay ka tirsan yihiin haddana waxa jooga inta badan ilaalada Cirro.

Ilaa hadda ma jirto cid isu xilqaantay dhexdhexaadin marka laga reebo ganacsato iyo waxgarad la sheegay in ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay isaga dabqaadayaan labada dhinac.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.