Wararkii U Dambeeyay Ee Tirinta Codbixinta Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq) Bulshada Somaliland ayaa shalay codkooda ka dhiibtay doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ka dhacaysay ilaa 1642 oo goobood waxaana la dhammaystiray tirinta codadka oo goob walba lagu tirinayay codka laga dhiibtay sida uu BBC-da u sheegay Afhayeenka Komishanka doorashada Siciid Cali Muuse.

Afhayeenku wuxuu sheegay in la dhammaystiray tirinta codadka dhammaan goobaha codka lagu dhiibtay. waxa uu sheegay in codku ku soo xaroonayo degmada goob walba ka tirsan tahay marka la hubiyana lagu soo xaraynayo gobolka ay degmadu ka tirsan tahay marka intaasi hubisana la keenayo xarunta Komishanka doorashooyinka ee Hargeysa.

Waxa uu sheegay in la filayo in galinka hore ee maanta inta badan codadka goobuhu soo gaadhaan degmooyinka ay ka tirsan yihiin laakiin, waxa uu ka gaabsaday in natiijada lagu dhawaaqi doono wakhti cayiman,. waxa uu tilmaamay in hubin badan jirto lana dhawrayo in wax cabasho ahi soo baxdo.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn indhaha ugu haysa natiijada doorashada iyada oo mararka qaar natiijooyin aan rasmi ahayn la wareejinayo baraha bulshadu ku kulanto.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contacta@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.