Warancadde Oo Eedayn Culus dusha ugu tuuray Masuuliyiin uu ku tilmaamay inay kala qaybinayaan Somaliland

0

“Waxaad Arkaysaa Qarnigii 14-aad Hooyooyinkeenii Jiray Iyagoo Ka Sheekaynaya Oo Isweydiinaya Horta Imisa Bahood ayay dhashay Heblaayo?Wasiir Warancadde
Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed islamarkaana ay Qabyaalad jitay Qarnigii 14-aadku celiyeen dadka.
Wasiir Warancadde oo aan cayimin Masuuliyiinta uu ku Eedaynayo Arintan ayaa hadalkiisa laga dheehanayaa Masuuliyiinta Mucaaradka siiba Xisbiga Waddani oo Hore Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ugu Eedeeyeen Siyaasad Habar Magaadlaysan oo ay dalka ka bilaabeen.
“Waxaad moodaa in dalkeena laga shidayo Is-aff-garan-waa iyo warar xun-xun oo aan jirin iyo Qabyaalad. Qabyaalada oo runtii ah midaynu ka soo gudubnay, mid aynu Axsaab ka samaysanay, waxaanay u muuqataa dadka waxyaabahaas qodayaa, ma aha Dhalin yarada, Mana aha Culimada, Mana aha Cuqaasha iyo Haweenka ee waxa weeye Rag waaweyn oo Runtii Damac ka hayo inay dalkan Wax ka qabtaan. Haddii aad habeenkii meelaha la iskugu yimaado ee Siyaasiyiinteenu fadhiistaan, haddaad dhabarka u sii yar jeediso oo aad dhegaysato, waxaad arkaysaa Qarnigii 14-aad Hooyooyinkeenii jiray iyagoo ka sheekaynaya oo isweydiinaya horta imisa Bahood ayay dhashay Heblaayo? Imisaa walaalo ahaa imisaa isku Bah ahaa?, markaa waxaan ka yaabay Siyaasiyiinta dalkan wax ka doonaya ee maanta Qarnigii 14-aad ku noqday Qabyaaladii jirtay.haddii ay Damac leeyihiin waxaan isweydiiyay tolow sideebay dadka yeeli lahaayeen” Ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo Shalay dalka ku soo laabtay.
waran cade
Wasiir Warancade waxa uu la yaab ka muujiyay Dhalin yarada ku milmaysa Qabyaalada uu ka dayriyay “Waxaan Aad ula yaabay dhalin yarada maanta lagu ababinayo Qabyaalad, halkii wadaniyad lagu ababin lahaa, Halkii lagaga ababin lahaa horumar iyo inay cilmigii ay barteen wax cusubku sameeyaan ayaad arkaysaa iyadoo lagu celinayo qarnigii dhagaxa ee qabyaaladu shaqayn jirtay.Markaa waxaan leeyahay Bulshada Somaliland inay mastaqbalkooda ka fikiraan cida ay ku aaminayaan, waxaan leeyahay dadka Masuuliyiinta ah ee Maanta qaybinaya Somaliland ha iska jiraan,iyagana waxaan leeyahay wanaaga ayaad wax ku heli kartaan”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.