War Deg-deg Ah: Xukuumada Somaliland Oo Qisaas Ku Fulisay Gabadhii Dishay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle.

0

Mandheera(Sayruuq)-Deegaanka Mandheera ee gobolka saaxil waxaa saaka lagu toogtay Gabadh magaaladda Hargeysa ee Caasimada somaliland ku dishay isla markaasna aastay qof dumar ah oo kale oo lagu magacaabi jiray Ruqiya Siciid ayaanle iyo wiil ay dhashay gabadha wax dishay oo falkaasi foolxun ku wehelinayay .

Ciidanka Amaanka ayaa saaka goob Fagaare ah oo ay joogeen eheladda Ruqiya Siciid ayaanle ku toogtay gabadhaasi deegaanka Mandheera ee gobolka saaxil .
Sidaana waxaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo ahaayeen Marxuumad Ruqiya siciid Ayaanle .
Dilka Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa ahaa dil aan noociisa hore dalka loogu arag, waxaana ay bulshadu ka argagaxeen dilka foosha xun ee loo geystay marxuumadaasi alle haw naxariistee, waxaana ay ahayd dhacdo bulshadu aad ula yaabtay.
Dhawaan ayey ahayd markii eheladii iyo qaraabadii marxuumadaasi la dhashay ay dhawr jeer ka hadleen warbaahinta iyagoo Xukuumada iyo bahda cadaalada ugu baaqay in sharciga la mariyo gabadhaasi gacan ku dhiigla ahayd oo dil fool xun oo aan noociisa hore loo arag ku khaarajisay marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle.
Sayruuqnews@gmail.com
Hargeysa-office
Desk-news sayruuq

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.