War Deg-deg Ah: Kooxda Rer Ingiriis Ee Chelsea Oo Shaqadii Ka Caydhisay Macalinkii Qaada Dhiga Saxaafada Caanka Ku Aha Ee Jose Mourinho

0

London(Sayruuq)-Warar saxaafada Ingiriiska ku baahay ayaa sheegaya in kooxda Chelsea ay shaqadii ka caydhisay tababaraheeda Jose Mourinho kadib markii ay Blues xili ciyaareedkan ay ku habsatay musiibo qaab ciyaareed liita ah. Waxaana arinta uga sii dartay guuladaradii Blues ka soo gaadhay kooxda Leicester City. Chelsea ayaa kaalinta 16 aad ka jirta kala saraynta Premier Leaque-ga.

Mou-620x349

Tababare Mourinho ayaa tan iyo bilawgii xili ciyaareedkan culays ku joos jiray iyada oo Blues ay hal dhibic ka sarayso kaalmaha looga hadho horyaalka Ingiriiska, laakiin kooxda Chelsea ayaan wali wax war rasmi ah ka soo saarin in ay shaqadii ka eriday Mourinho. Tababaraha ee Portugal ayaa ku dooday in ay ciyaartoyda kooxdiisu khiyaameen kulankii Leicester City oo ay Blues soo gaadhay guuldaradii sagaalaad.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.