War Dag-deg ah: Masuuliyiin Xilal Sar-sare Kahayay Xisbiga Waddani Oo Is Casilay.

0

Hargaysa (Sayruuq) Masuuliyiin xilal sar sare kahayay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta iska casilay xisbiga Waddani.

Masuuliyiintan ayaa ku eedeeyay hogaanka sare ee Xisbiga Waddani mid aan hogaamin Karin xisbiga isla markaana la dhinac ah Xukuumada.

Masuuliyiintan ayaa sidaasi ku sheegay Shirja’raaid oo ay goor dhawayd ku qabteen Hargaysa

Waxaanay kala yihiin Magacyada masuuliyiinta iscasilay sidan hoos ku qoran:-

1. Mustafe Qodax oo ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Waddani

2. Cabdirashiid Riyo Raac oo ahaa xoghayaha qorshaynta ee xisbiga Waddani

3. Maxamuud Cabdilaahi Cabdi oo ahaa Gudoomiyihii garabka dhalinyarada ee Xisbiga Waddan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.