WAR DAG DAGA Dablaydii Weerarka Ku Soo Qaaday Guriga Guddoomiyaha Awdal Oo Qaar Ka Mid Ah Gacanta lagu Soo Dhigay

0

Hargaysa(Sayruuq):Wararka laga hellaayo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxay sheegayaan in Dablaydii weerarka ku soo qaaday guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal Mr. Ramaax ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca iskugu jira gaystay, in laga soo qabtay laba ka mid ragii weerarkaas fulliyey.
sida ay sheegayan il wareed ka soo baxaya  magaalada Boorama  oo Xidhiidho la sameeyey Mas’uuliyiinta amniga ee magaalada Boorama, ayaa isku dayey innuu wax ka waydiiyo tirada Maxaabiista ay gacanta ku soo dhigeen, waxaannay u xaqiijiyeen in Dablaydii weerarka u gaysatay guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga soo qabtay laba Nin oo ka mid ahaa ragii weerarkaas oo qaaday, iyadoo sida ay sheegeen uu mid ka mid ahi dhaawac yahay.

 

Warku waxa uu intaas ku darayaa in laba Nin oo midi dhaawac yahay laga soo qabtay xadka u dhaxeeya Gobolka Awdal iyo Itoobiya,gaar ahaan meesha lagu magacaabo Layla-kaal oo qiyaastii 20 KM u jirta Caasimadda gobolka Awdal ee Boorama.

Wixii warara ee soo kordha kala soco Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.