Wallee Rag Baan Taas oo kale La Rabay!

0
Wallee Rag Baan Taas oo kale La Rabay!

Shalay 5:30 arooryo waxa jeel ku yaalla Dalhi (India) qoorta loogu dheereeyay afar shakhsi oo xoog u liitta. Haa, runtii qoorta ayaa loo dheereeyay maxaa yeelay waa la daldalay. Qofka culayska jidhkiisa oo dhan margiyada qoorta iyo lafaha yaryar ee silsiladda oo kale ah, ee madaxa iyo jidhka intiisa kale isu hayaa ma xejin karaan, sidaas darted xoog ayay u kala jiidmaan kolka qofka la soo laalaadiyo, sidaas bayna ku baxday kalmadda qoor-dheerayntu.

Afar tan doqon ee shalay la daldalay iyo laba kale, oo midkood uu hore xabsiga dhexdiisa isugu dilay, midna aanu qaangaadh ahayn oo la sii daayay, lixdaas ayaa loo qabtay fal-dambiyeed gunimo ah oo ay ku kaceen 2012. Dhawr sanadood ka hor ayay inan 23 jir ah oo gurigooda u socota bas dhexdiisa goor habeenimo ah ku kufsadeen, oo biro na ku garaaceen, usbuuc ka dib ayayna nabaradii u dhimatay. Wadaha baska ayaa nimanka weerarka qaaday midkood la dhashay, waana ninka jeelka isku dhex dilay aakhirkii. Waxa ay u malaynaayeen marba hadii ay ogaayeen in ay inantu ka soo jeeddo dadka la takooro ee India, isla markaana aanay dhaqaale badan lahayn, in aanu falkooda saxar na ku gaadhaynin.

Sidaas xun ayay wax u xisaabiyeen, laakiin waxaanay tirada kuba darin, awoodda warbaahinta bulshadu leedahay, iyada oo xoog iyo xoog loogu qaadaa-dhigay sheekadaas foosha xun, dadkii ka dambeeyay na sawiradooda lagu muujiyay. Malaayiin Reer-Dalhi ah ayaa, sida dadka damiirkoodu noolyahay lagu yaqaano, amuurtan ka mudaharaaday oo jidadka xidhay. Tan iyo maalintii la qabqabtay, ee judhiiba dilka lagu xukumay, ambiil kastaa waa u shaqayn waayay. Ilaa laga soo gaadhaayay saacaddii daldalaadda oo shalay subaxdii ahayd wax yar ka hor, waxa ay qoranaayeen ambiillo iyo codsiyo ah in fulinta dilka dib loo dhigo, oo kiiskooda dib loo eego. Waxaas oo kale waxa lagu magacaabaa caalwaa iyo tadhaacis. Habeenkii oo dhan ma ay seexan, oo cunto ma cunin, go’aankii diidmada ee ambiilkoodii u dambeeyay na isla habeenkaas baa la siiyay. Kolkii madaxa marada yar loogu duubay, ee xadhkaha qoorta loo geliyay, ee sagxaddii ay ku tagnaayeen laga hoos saaray ba, in yar oo ay lugaha firxiyeen ka dib, waa kuwaas dhaqaaq daayay. Naftoodii xumayd waa baxday, jidhkoodii xumaa na, waa kaas Meesha ka laalaada ee la moodo walax dheer oo ku korodhay xadhkihii awalba Meesha ka laalaaday ee daldalaadda.

Taloow maxaan ku keenay nimankan warkooda? Haa, sababtu waxa ay tahay, niman Hargeysa jooga, oo in qoorta loo dhereeyo iyo in baabuur lagu jiido baa ay wacnaan lahayd ayaa jira. Horaantii 2017 kii ayay inan dhalinyaro ah oo dariskayga ahaan jirtay kufsi-wadareed iyo jidh-dil ba kula kaceen, saxar na ma ku gaadhin falkoodaas. Qoys socoto ah, oo aan magaalada cid ka aqoonin ayaa ay inantu ka mid ahayd. Qurbaha ayaa ay ka yimaadeen, waxayna Hargeysa u doorteen in ay tahay nabad. Haa, runtii nabad waa tahay Hargeysa gaar ahaan maalintii, habeenkii se waa si kale. Dhaqan waxshinimo ah oo tobaneeyadii sanadood ee u dambaysay Hargeysa ku faafay ayaa jira – magaalooyinka kale ma hubo xaalkooda. Koone kasta oo aad magaalada uga baxdid, foolxumooyin uu ka mid yahay kufsi-wadareed, oo shalay ama usbuucii hore dhacday ayaa laguu sheegayaa, badiyaa na cid ma loo ciqaabo.

Si kastaba, hadii aan dhacdadan gaarka ah u laabto, anaka waxa nala kulmay wax koleyba aniga kufsiga qudhiisa igala sii foolxumaa. Qaabkii ay amuurta u galeen qolyihii police ku, gaar ahaan kuwa dambi-baadhista la dhaho ayaa fajiciso igu reebtay, tan iyo maalintaas na madaxayga kama bixin. Anaku xaafad ahaan, rag door ah ayaanu isku abaabulnay, oo dhaqaale kiiskan lagu wado xataa iska ururinay, hal qof oo xaajada daba gala na waa u samaynay, wax daldalaad ka sokeeya na lama jeclayn wiilashaas oo qarkood aan aabayaashood aqaanay, maxaa se dhacay? Maalintii koobaad ee kiiskii la geeyay xarunta dambi-baadhista ee Hargeysa, waxa na qaabilay ba nin ay si wacan isu garanaayeen ninkii odayga ahaa ee aan u xil saarnay kiiska riixitaankiisa, oo waliba ay reer ahan na isu xigeen. Amuurtii kolkii la sharaxay, ee qisadii loo dhamays tiray, ninkii dambi-baadhaha ahaa si nacasnimo ah ayuu isaga hadlay. Isaga oo aan xataa hal daqiiqad ka fikirin warka loo sheegay, oo aan wax diidmo ah oo falka dhacay ku saabsan sinaba u muujinin, ayuu iska yidhi – waar hablahan yaryari iyaka ayaa nimanka la balama oo goordhaw na yidhaahda waa nala kufsaday.

Yaab iyo amakaag baa dhacay. Ninkii odayga ahaa ee u waramaayay ayaa isku dayay in uu la dooddo – waar hebel, maxaa ku hadlaysaa? Xataa hadii ayba sida aad sheegayso tahay, ma koox bay inantu la balami lahayd? Miyaanad inyar oo caqli ah xataa isticmaalaynin? Kolkii ay halkaas maraysay, ninkii wuuba is xanaajiyay, ninkii kiiska u keenay ee odayga ahaa ayuuna askar ugu yeedhay oo yidhi ha la xidho, waana la xidhay. In kasta oo aanu xadhiga ku raagin oo saacado ka dib la sii daayay, hadana waxa ay taasu ahayd dulinimo iyo liidmimo heerkii u hooseeyay ee qof uuni sawiran karay, amaba aan la sawiran karaynin aan idhaahdo. Ninkii dambi-baadhaha ahaa, amaba si kale hadii loo dhigo, dambi-dhiiriyaha ahaa, ilaa hadda halkii ayuu joogaa, masuuliyad aanu sinaba u geyin, oo sinaba u gudan karaynin na sidii buu u hayaa. Wiilashii shuftada ahaa na, sidii ayay dhaqankoodii bahalnimada ahaa warwar la’aan isaga wattaan.

Al-muhim, falalka noocan oo kale ahi ma laha abaal marin amaba jawaab aan ahayn qoor-isu-dheerayn, sida Hindiya ka dhacday. Amaba sidii sharafta badnayd ee dhawaan Puntland ka dhacday, in rasaas ololaysa laabta iyo madaxa la iskaga dalooliyo. Haa, cudurkaasi ma laha daawo taas ka wanaagsan, oo ka fudud, oo ka sharaf badan. Bulsho kasta waxa ku dhex jira waraabayaal miciyuhu intaas leegyihiin, oo waji dad leh, oo daqiiqad kasta eeganaaya fursad ay bahalnimadooda ku muujiyaan. Sidaas darted, dadka wixii xun, ee xun, waa in arlada laga kaxeeyo. Waa in ay aadaan meel xun, oo xun, oo ay eedaan. Waa in ruuxdooda xumi samada u duusho, jidhkooda xumi na dhulka hoos maro. Waa in dadka talada hayaa meel ay joogaanba, ay muujiyaan masuuliyad. Dadka shacbiga ahi na, waa in ay iska baadhaan damiir xumaha diida oo dareenkooda muujiyaan. Miyaanay ahayn?

  • Nin waliba wuxuu dhimay ilaa, laga dhawaajeeyo;
  • Dhafoorkooda jeeroo rasaas, dhuuban laga saaro;
  • Jeeroo rag lagu dhugtamay oy, dhaaftay la arkaayo;
  • Dhacarsiga la deyn maayo iyo, dhiilkii la is-baraye;
  • Dhabbadaa an soo jeexay haddii, cidi dhabeyn weydo;
  • Dhutis xaalku kama baaqsadee, dhuuxa hadalkeyga. (Timacade)

Waa Maxamed Haaruun Biixi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.