Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2019

0
Labada Gole Baarlamaan Oo Fasax Galay Iyo Saamaynta Uu Mawqifkii Goluhu Ku Yeelanayo Siyaasadda Madaxtooyada

Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2019
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyay Odoroska Miisaaniyadda 2019 oo ay ku jirto wax ka bedel guddida dhaqaalaha u qaabilsan wakiilladu samaysay. Goluhu wuxuu diiday lacago cashuur ah oo wasaaradda warfaafintu ku soo rogtay saxaafadda madaxa banana ee Somaliland.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax ayaa golaha ka codsaday in ay u codeeyaan Odoroska Miisaaniyadda oo uu ku jiro waxka bedelka lagu sameeyay waxaanay ugu codeeyeen sidan:
Waxa Ogolaaday: 46 xildhibaan

Waxa Diiday: 12 xildhibaan

Waxa ka Aamusay 1 xildhibaan

Gudoomiyuhuna muu codaynin

Sidaas ayayayna ku ansaxday odoroska Miisaaniyada Qaranka + wax ka bedelkii Gudida dhaqalaha ee golaha wakiilada JSL.

waxa kale oo gudoomiyuhu iclaamiyey in uu goluhu galay 2 bilood oo fasax kana bilaabanta 30 December 2018.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa shirka saxaafadda oo ay joogaan wasiirro badan oo xukumadda ah wuxuu ku bogaadiyay golaha wakiillada ee tuuray cashuurta saxaafadda.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.