“Wakhti Cayiman Ma Jiro,” Wasiir Faratoon

0
Dalal Xiisaynaya Wada Hadalka Somaliland Iyo Somalia

“Wakhti Cayiman Ma Jiro,” Wasiir Faratoon
Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa ka gaabsaday in uu sheego wakhti cayiman oo la qabanayo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo in uu jiro waddan cayiman oo ay ka qabsoomi doonaan.

“Ma jiro wakhti cayiman oo wada-hadallada (Somaliland iyo Soomaaliya) loo qorsheeyay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon oo wargeyska Geeska Afrika arrintan wax ka waydiiyay.

Hase ahaatee 13-kii bishan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la hadlayay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in caasimadda Gaana ee Accra lagu qabanayo wada hadallo Somaliland iyo Somalia ah oo Turkigu hoggaaminayo.

“hadda cisho dhawayd waxa yimid Turkiga waxaan ku idhi kaliga ku aqbali mayne caalamka kale hana soo dhex galo wuu aqbalay warqad buu soo celiyay hadda Ingiriiska, Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden intaba waxa uu ka codsaday in la isugu yimaaddo 19-ka bishan Gaana (Accra) si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo Somalia kala dhex gasha waxaana hubaal ah in Xamar iyo inta la joogtaba ka dagaallamayaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
(Farmaajo) mar walba waxa uu sheegta Ankara(Caasimadda Turkiga) iyo Dooxa (Caasimadda Qadar)
Wargeyska Geeska Afrika oo dhawaan faallo ka qoray arrintan ayaa sheegay in ay u muuqato in madaxweynuhu isku khalday caasimadaha Turkiga ee Ankara iyo Gaana ee Accra.
Madaxweynuhu Ma Waxa Uu Isku Khalday Ankara & Accra?

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.