Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka Oo Baahisay Dokumantiyo La Xidhiidha Dilkii Osama Binu Ladin

0

Washington (Sayruuq) – Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa fidisay dokomitiyo aad u xasaasi ah oo dhex maray Ururka Al-Qaacidda iyo Jamhuuriyadda Iiraan .

Faylalka ay  baahisay CIAdu ayaa ku dhowaa 470,000 oo faylal oo la helay intii uu socday howlgalkii 2011-kii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qacidda, Osama Bin Ladin.

Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah ee la soo halay xusuus qorkiisii u gaarka ahaa, codad iyo dukumiintiyo iyo muuqaallo, uu ka mid yahay muuqaalka arooskii wiilkiisa Xamsa oo lagu qabtay Iiraan .

Waa markii afaraad oo CIAdu ay baahiso waxyaabo la xidhiidha Osama Bin Ladin oo la helay intuu socday weerar lagu qaaday dhisme uu ka daganaa Paakisan oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee Pakistan.

Qaar ka mid ah faylasha ayaa la qarinayay muddo waxaana laga baqayay in amniga Mareykanka ay wax u dhimaan, sida sirdoonka ay sheegeen,waxaa sido kale ku jiray sida ay sheegeen filma Jinsi ah oo aan la ogleyn in la baahiyo.

Agaasimaha CIAda  ayaa qoraal uu soo saaray waxaa u dhigay sidan “Maanta waxaan shaacineynaa warqado, muuqaallo iyo codad iyo waxyaabo kale oo dadka Mareykanka ay fursad ugu helayaan in ay ogaadaan qorshaha iyo shaqada ururada argagixisada,”.

Sida lagu xusay qoraalka CIA-da, warqadaha waxaa ka mid ah xidhiidhka  ay la wadaageen Iiraan iyo qoraal si toos ah uu Osama Binu Ladin uga codsanaayo Hogaamiyaha ruuxga Iiraan Aaytula Khumeyni inuu soo daayo mid ka mid ah ehelkiisa oo ku xanibnaa dalka Iiraan.Osama ayaa dhower jeer oo ay soo hadal qaadeen kooxdiisu Iiraan ugu caqli celiyey in dalkaasi yahay halbalaha qorshayaashooda taasina dhaawic karto hawlgaladda AlQaacida waxaanu ku adkeeyay in la ilaaliyo xidhiidhkooda.

Kombuyuutar la qabtay intuu howlgalka socday waxaa laga helay aflaanta Hollywood-ka, aflaanta caruurta iyo seddax barnaamij oo ku saabsan Bin Ladin.Sidoo kale, muuqaalka wiilka Bin Ladin, Xamza ayaa ka mid ah waxyaabaha la helay. Hadda waa 20 sano jir, lamana oga meesha uu ku nool yahay.

Muuqaallo horey loo baahiyay waxay muujinayeen in Bin Ladin uu wiilkiisa u diyaarinayay in uu ka dhaxlo hoggaanka ururka Al-Qacidda.

Sayruuq News

Xafiiska Hargeysa

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.