Wakaaladda Reuters Oo Baahisay In Uu Jiro Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweyne Farmaajo

0
10 Qodob Oo Maraykanku Waydiinayo Farmaajo

Hargeysa(Sayruuq) Wakaaladda wararka ee Reuters ayaaa baahisay in uu jiro mooshin xilka lagaga xayuubinayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka dhex socday guuxa mooshinka ayaa todobaadkii hore la fasaxay ilaa bisha February laakiin, Xildhibaan Mahad Salaad ayaa Reuters u sheegay in ay jiraan mudaneyaal doonaya kulan degdeg ah oo mooshinka lagu soo bandhigo.

“96 xildhibaan ayaa guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyay in dib loo furo fadhiga golaha si loo soo dhigo mooshinka madaxweynaha xilka lagaga xayuubinayo,” Sidaas ayuu yidhi Mahad Salaad waxaana madaxweynaha lagu soo oogay dambiyo ah dastuur jabin, khiyaamo Qaran iyo burburinta maamul goboleedyada. Saddex meelood laba ayaa xilka ka qaadi kara 275-ka xildhibaan.

Mooshinkan ayaa daba socda hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ciidamada ammaanka Soomaaliya xidheen inta ay gurigiisa ku weerareen. Arrintan ayaa dhalisay qalalaase weyn.

Wakaaladda Reuters ayaa ku warantay in beesha Habar Gidir ee uu ka soo jeedo siyaasiga la xidhay oo awood badan leh, islamarkaana degan badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya arrimo hore ka tirsanayso xukumadda Farmaajo kiiskana uga sii darayo xaaladda.

Qof taxliiliya arrimaha ammaanka Soomaaliya oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in xukumadda Soomaaliya dhib kala kulmayso beesha siyaasigan ka soo jeedo haddii ay arrintan sii wadaan. Waxa uu sheegay in ay tahay beel siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan xooggan cududna ku leh ciidamada Qaranka Soomaaliya oo hannaan maleeshiyo beeleed u dhisan.

Halkan Ka Akhri warbixinta oo dhammaystiran

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.