Waddankeenna Waxaa ka Jira Kun Maadays!

0
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir: Ubaxii ka Dhex Mudhay Lamadegaanka.

Waddankeenna Waxaa ka Jira Kun Maadays!
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Nin baa maalin iska dhextaagay dad salaad tukanaya, dadkiibuu fiiriyey; wuxuunna arkay in wajiyadoodu si yihiin, indhuhuna hurdoonayaan. Dabadeed imaamkii ayuu fiiriyey, wuxuuna arkay odey cajuus ah oo si adag u socda, hadlaya. Balse, dadku ayna maqlayn hadalkiisa. Wuxuuna iswayddiiyey; maxay kuwani yihiin? Maxaa masaajidka ka socda? Maxaa isbaddelay? Maxay dadku Masaajidka u yimaaddeen? Ma Salaad mise seexasho? Ma si ay uga nastaan wixii ay lumiyeen, mise in ay Allah ugu tagaan safar macno leh?

[Ninkii] Masaajidkii wuu ka baxay, wuxuunna fadhiistay maqaaxi meel shaaric ah ku taal. Sidii caadada u ahayd dadkiibuu fiiriyey mar labaad, wuxuuna arkay in dadka halkani ayna la mid ahayn kuwii masaajidka joogay, wajiyadoodu way noolyihiin, sidoo kale indhahooguna way furanyihiin. Dadadeed wuxuu eegay ninkii lahaa maqaaxida, wuxuuna arkay wiil dhallinyaro ah oo xoogweyn, si nool u socda, si diirran u hadlaya, dadkuna ay fahmayaan hadalkiisa. Dadadeed wuxuu iswayddiiyay: Maxaa halkanna ka socda? Maxaa isbaddelay? Maxay dadku halkan u yimaaddeen? Ma in ay wax cunaan, mise in ay [isku illowsiiyaan] dhibaatooyinka nolosha? Ma in ay xogo helaan? Mise in ay waqtiga dilaan?

Ninkii booqdihii maalin khamiis ah galabnimadeedii wuxuu tagey majlis Qaad. Dadkiibuu fiiriyey, wuxuuna arkay dad hawaara oo wajiyadoodu ay wax fiirinayaan ndhahooguna digtoonyihiin. Dabadeed waxa uu fiiriyey ninkii meesha lahaa, wuxuuna arkay isaga oo qaab fiican, una fadhiya fadhigii Carabta, gaar ahaanna fadhiya meeldheer oo tilmaamaysa haybadda meesha. Haddana waxa uu daymo kale isha qac kusiiyey dadkii fadhiyey, wuxuuna ka arkay wax uu la ashqaraaro: Waxaa ka mid ah mid aan afkiisa kala qaadeynba, balse, kaliya dhoollacaddeynaya marka uu ninka golaha leh la hadlayo. Waxa kale oo ka mid ah mid akhriyaya joornaal, oo aan si faseex ah [ u akhriyeyn] balse, eegaya uun. Waxa kale oo ka mid ah mid dhurmaya uun bilaa xad, wax xikmad lehna aan ku hadlayn. Balse, ku hadlaya uun wax uu saaxiibkiisa la fadhiyaa ku farxo. Mid kastaa waxa uu leeyahay door u xaddidan. Golahaa muuqiisa guud quruxbaa ka soo muuqanaysa, balse, gudihiisu waa dhimasho. Waa meel deggan oo bilaa qurux ah.

Ninkii gurigiisii ayuu ku soo noqdey, wuxuuna fiiriyey carruurtiisii iyo xaaskiisii. Wuxuu arkay carruurtiisii oo caalam kale ku nool. Qaar waxa ay ku noolyihiin ismoodsiis geesinnimo. Balse, ma garanayaan in ay ku noolyihin waddan geesinnimadii lagu gaboodfalay. Qaar kale waxa ay ku noolyihiin ismoodsiis xiddignimo, balse, ma oga waddankan in Qaadku ku dhagaroobey xiddignimadii sannooyin badan ka hor. Qaarbaa qorshaynaya in ay waddanka ka baxaan si ay uga baqoolaan, una maraan Saxaraha aagga la ah mawjadaha Badda Midhitareeniyamka. Balse, xaaskii miskiinta ahayd waxa ay nafteeda ka dawaynaysaa xanuunnada nafsiga ah; waxaanna laga yaabaa maalmaha soo socda in ay dhasho, balse, ma garanayso in ay ku noolaan waddankan wada kediska ah (wax degdeg ah oo argagax leh misana aan la filayn ayaa ka dhacaya). Wuxuunna ogaadey in aaamusnaantu awooddii la wareegtay. Qofna qof kale lama hadlayo. Codka kaliya ee aamusnaantaa laga maqlayaa waa hadalka xaaska miskiinta ah, taasi oo ku nool yiddiddiilo/hiddiddiilo furan. Alla miskiintaa bilaa danbiga aheey!! Ninkiina wuxuu iyada gadaasheed qorsheynayaa in uuu guursado xaas labaad ama saddexaad, kaliya hal aayad ayuu lanoolyahay: “ Guursada wixii idiin wanaagsanaada dumarka, labo, saddex ama afar….” Balse, lama noola aayadaha badan ee sheegaya mas’uuliyadda iyo xuquuqda.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Bas dadweyne raacey, waxaana la socdey rakaab badan, aad bay u qaylinayaan oo waxaa jirta xorriyad hadal. Balse, waxa uu aad ula amakaagay qayladan badan ee ay waliba la socoto cayda, afkay bannaan, iyo isku dhibiddan la isku dhibayo hadalka.Waxaas oo dhani xad iyo xuduud toona malaha. Dadka wajiyadoodii ayuu fiiriyey wuxuuna arkey in ay ka muuqato baahi iyo miskiinnimo badani, basle, badankoodu ay aad qoslayaan oo ay u dhoollacaddeynayaan.

Dabadeed waxa uu eegay ninkii lacagta Baska ururinayey, waaba wiil labaatan jir ah oo waxbarashada yaraan ( isaga oo yar) kaga tagay. Wuxuuna xirfaddan u doortay kaliya in uu ku noolaado, kamana laha ujeeddo go’an. Dabadeed waxa uu eegay dirawalkii oo dhinaca bidix fadhiya, aadna u cunaya Qaad, Baska dushiisana ay saaranyihiin waxaan ka yarayna soddon rakaab. Waxa layaabka lihi waxaa weeyi: Wuxuu sigaar u qiijinayaa si bilaa xishood ah, markaliyana wuxuu isku darayaa shaah, Qaxwe, iyo Kooke! Dhammaan waalla wada hadlayaa. Midkasta oo rakaabka ka mid ahina codkiisa ayuu kor u qaadayaa isaga oo aan ixtiraamayn dadka kale. Dhammaantood waxa ay u afduubayihiin sikhraankaa, wayna sahwisanyihiin.

Maalin ayuu dhexmaray magaaladii boqolka sano ama wax ka badan ka hor la aasaasay. Wuxuuna arkay in dadka maraya waddooyinku [ama jooga meelaha dadka ka dhexeeyaa] ayna helin suuliyo guud [oo la wada galo]. Shaaricyadii ayuu eegay wuxuuna arkay dad badan oo dheeraad ah, wuxuuna wayddiiyey: Dadkii ma waxa ay isku baddeleen xayawaan?! Aaway ilbaxnimadii? Aaway akhlaaqaddii magaaladu?

Waxa uu tagay dhakhtarka guud, wuxuuna arkay dadka ugu badan ee bukaanka ahi in ay yihiin dhallinyaro. Dadabeed waxa uu iswayddiiyey: Dabeecaddii miyey isbaddeshay halkan?! Waqtiga dhallinyarnimadu waa waqtiga caafimaadku ugu roonyahay. Balse, maxaa dhallinyaradii degdeg ugu duqoobayaan, inta badanna u xanuunsadaan? Maxaynu maalinle u maqalnaa dhimashada dhallinyaro si kedis ah udhimata? Maxay tirakoobyadu sheegaan? Balse, waxaa yimid arrin kale oo aad loola amakaago, tirakoobyo xeeldheer lama helo; haa lagama helo tirakoobyo waddankan maadays ka ah!
Waddankayga waxaa ka jira kun maadays, iyo kun qiso. Balse, ta ugu caansani waa macaashka uu helayo qofka qaata labo shahaado! Waxa aad noqotaa ajnebi waad macaashiye. Noqo bilaa damiir waxa aad noqon taajir bilaa xuduudee. Taasi waa maadayska waddankeyga iyada oo lagu jiro Qarnigii kow iyo labaatanaad.

Waddankayga waxaa ka jira kun maadays , iyo kun qiso. Balse, maadayskaasi waa fadeexad; sabobtuna waa mas’uulka[ isticmaalaya] maandooriyahaa,iyo ka khamriga iibinaya. Qaadka waxaa laga dhigey sheyga koowaad ee waddanka; sabobtuna waxaa weeyi wuxuu doonayaa in uu sameeyo beer bilaa xisaab ah, ama xoolo si bilaa nidaam ah.
Waddankayga waxaa ka jira kun maadays, iyo kun qiso. Balse, ta ugu layaabka badani waa: In tuuga weyni xisaabiyo tuuga yar. Guuldarraystuhu wuxuu iska deeddifeeyaa guuldarrada; wuxuuna xisaabiyaa qof ayna halihiisa ama awrtiisa ayna guuldarrada [meel wada daaqin]─Qof aan guuldarraysan. Balse, ta aadka ugu layaabka badani qisada waxaa weeyi : Qofka aan guuldarraysani waxa uu aqbalayaa guuldarraystaha dhabta ah cabashadiisa. Dhammaantood waxa ay matalayaan masraxiyad bilaa xiiso ah. Waxayna ku kala ciyaarayaan doorar [kala duwan].

Waddankayga waxaa ka jira kun maadays, iyo kun qiso. Balse, ta ugubka ahi waxaa weeyi: In Wasiirrada carruurtoodu ay kulaylkii waddanka ka cararayaan, oo ay bilaa sabob u tagayaan magaalooyinka Ameerika iyo Kanada. Danyartiina loo diido in ay waddanka ka baxaan. [Waddammada] Galbeedka waxaa yimaadda xaasas dhalaya; si ay jinsiyad marka koowaad u helaan, marka labaadna ay waddan u diyaariyaan carruurtooda. Waayo way garanayaan in ay waxkasta soo xadeen; balse, meelaha lagu wada xidhiidho wax aan qalbigooga ku jirin ayay ka yidhaahdaan. Waa munaafaqnimo waqtigan[fadhataysiga] lagu jiro.

Waddankayga waxaa ka jira kun maadays, maadkastaana waxaa ku jirta kun sirood; sirkastana waxaa ka danbeeya kun qof. Qofkastana waxaa ka danbeeya daaliye bilaa xuduud ah. Halkanay sheekadu ka dhanaanaanaysaa. Halkanayna sheekadu ka noqonaysaa bilaa masraxiyad, noloshuna ka noqonaysaa bilaa dhadhan. Qofku wuxu noqonayaa siduu soddon sano ka hor ahaa; wuxuuna u fekerayaa siduu u fekerayey; wuxuuna u noolaanayaa siduu u noolaan jirey. Markaa isbeddel ma jiro. Sobabtuna waxaa weeyi waddankaygu waa bilaa maadays.

Maadayskii way dhammaadeen, waddankiina wuxuu noqday bilaa maadays. Halkan ayayna balaayadu ka unkamaysaa: Aamusnaanta, ka baqidda mustaqbalka, in la iska noolaado uun, in la guursado iyada oo laga ordayo mas’uuliyad, [in uu qofku fekerro] feker saxar (Atom) le’eeg; dhammaantood waa cinwaanada xaaladda. Waa ilbidhiqsi ashqaraar leh, balse, waddankayga ashqaraar kama aha, sidaa daraadeed ayuu muwaaddinkiinna noqdey bilaa maadays.

Waddan dadka ku nooli yihiin bilaa maad, balse, dhab ahaan waxaa laga soo heli kun maadays. Sababtuna waxaa weeyi sheekadu waa bilaa warin/gudbin; halkanayna sheekadu ka noqotey agoon. Agoonnimaduna waa xaalad muuqata, balse, waxay khatarteedu darnaan doontaa marka ay isku beddesho xaalad macnawi ah.
Waddan ay dadka ku nooli yihiin bilaa hiddiddiilo, shakila’aan waa bilaa maadays. Balse, dadka WAAWEYNI xanuunka waxa ay u baddelaan hiddiddiilo. Aamuskana waxa ay u baddelaan mawqif. Baxsadkana waxa ay u baddelaan geesinnimo. Socdaalkana waxa ay u baddelaan meel ay maraan. Halka kuwa YARYARI ay yihiin bilaa hiddiddiilo, oo ay hiddiddiilada yaqaanaan kaliya marka ay dhargaan. Sidoo kale ay yihiin bilaa mustaqbal illaa marka ay helaan wax shahwaddooda jinsiyadeed ku nafisiyaan mooyaane.

Waddankeyga ciidamadu waa awoodda xaakimka jiitaaga ah ka ilaalisa dhacabkiisa gaajoonaya! Booliskuna waa bilaa macno. Ninka khabiirka ahi waxa uu u il eegyahay danyarta iyo masaakiinta. Ninka shaqaystaana aroortii waa taajir; galabtiina waa faqiir. Faqrigu wuu soo badanayaa. Akhlaaqadxumadu waa safaaradda rasmiga ah ee faqriga waddanka. Kaasi waa waaqac soo labakaclaynaya. Balse, maaha maadayskii maadda kale dartii ahaa. Ilbidhiqsigii maadaysku wuu dhammaaday.

Waddankeyga waxaa loo baratamayaa shaqaalaha jaban, siyaasiga caqliga badani waxa uu caqlibadnaantiisa u adeegsanayaa in uu helo shaqaale jaban. Waxaa jira shaqaale liita; waxayna leeyihiin lacag iyo sicirro. Shaqaalaha qaar waxa ay iibiyaan waddanka, kheyrraadkiisa iyo keydkiisa, waxayna ku [baddeshaan] malaayiin Doolar. Halka qaar kale ay iibiyaan sharafta ayna suuqyada wadhaan iyaga oo ka qaadanaya boqollaal Doolar. Qaar kale waxa ay qaataan tobaannaan kun oo Doollar, alaabtooduna waa in ay siyaasiyiinta u warramaan [ama u kala dabqaadaan].

Miyaad garanysaan sirta Soomaali ka dhigtay bilaa dawlad dhexe, muddo ku dhaw soddon sano? Waa shaqaalahaa jaban ee dawladaha jaarka ka imanaya iyo Carabta. Beesha caalamkuna ma jecla in ay dhisto dawlad Soomaaliyeed oo loo idilyahay (Midowda), xoogna yeelata.
Miyaad garanaysaan sirta Jabuuti ka dhigtay in ay Afartan sano ku hoos taahdo Jiitaaga?! Waa shaqaalaha gudaha iyo debadda.

Taasi waa maadayskii dalka ee bilaa maadayska ahayd; iyo sheekadii shacabka ee dhanaanaatay. Balse, sidaa ahaan mayno bilaa taariikh waligeen. Waxaynu ka nimid ummadd diiddey in ay dawlad yeelato, sidoo kale ay yeelato sawrac. Balse, goorma? Sidee? Halkeebaan ka bilownaa geeddiga koowaad? Tani waa maadays kale, waqtigeedana leh, hadda waxa aynu dhex dabbaalanaynaa masiibo!

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.