Waddani Oo Sheegay In Madaarka Hargeysa Qarka U Saaran Yahay In Uu Xidhmo

0
Waddani Oo Sheegay In Madaarka Hargeysa Qarka U Saaran Yahay In Uu Xidhmo

Waddani Oo Sheegay In Madaarka Hargeysa Qarka U Saaran Yahay In Uu Xidhmo

Xoghayaha Duulista iyo Hawada ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Nuuradiin Diini ayaa sheegay in diyaaradaha qaarkood yareeyeen duullimaadyadooda Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, sidoo kalena ay xidhmeen shirkado badan oo ka shaqayn jiray adeegyada diyaaradaha. Waxa kale oo uu sheegay in wax badan ka khaldan yihiin qaab-dhismeedka wasaaradaha xukumadda madaxweyne Biixi.

Xoghaye Nuuradiin Ibraahin Diini oo xarunta xisbiga Waddani ee Hargeysa saxaafadda kula hadlay waxa uu sheegay in Soomaaliya si buuxda ula wareegtay hawada Somaliland iyo Somalia, islamarkaana lacagta ka soo xaroota oo hore loo qaybsan jiray hadda ku dhacdo akoon ay leedahay wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka ee Soomaaliya. Waxa uu madaxweynaha Somaliland ku dhalliilay baabi’inta wasaaraddii Duulista oo u xilsaarnayd la gorgortanka Soomaaliya.

“Hay’adda duullimaadyada ee uu maareeyaha u magacaabay Madaxweynuhu gabi ahaanba waa mid gabtay shaqadeedii Qaranka, Madaarkuna wuxuu ku dhaw yahay in uu xidhmo. Sida aynu ka war qabno diyaaradda Daalo Airline Arrafadii baa ugu dambeysay in ay garoonka ka duusho, dirqi ayay ku duusha Jubba, ‘Travel agency-yadii way xidhmeen, halkaa waxaynu ku waynay dhaqaale fara badan oo dalka soo galayay. Waxa taa sababay waa siyaasadda Madaxweynaha waayo wuxuu ka go’aan qaatay oo la joojiyay ‘Go home’ wixii la odhan jiray, waxa la joojiyay Basaboor Soomaaligii iyada oo dhaqaale badan inaga soo gali jiray,” Sidaas ayuu yidhi Nuuradiin Diini.

Nuuradiin waxa uu intaasi raaciyay in Madaarka Hargeysa ee Cigaal oo xarun u ahaa dadka Soomaalida ah ee socdaalaya ay macaamiishiisii u wareegtay Madaarada Garoowe iyo Muqdisho, islamarkaana uu saamayn taban oo dhaqaale ku yeeshay Somaliland. Waxa uu sheegay in hotel-lada u dhaw madaarka qaarkood xidhmeen kadib markii ay waayeen dad socdaalka ah oo seexan jiray iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee madaarka oo ay ku tiirsanaayeen.

Waxa kale oo uu maareeyaha hay’adda Duulista ku eedeeyay in uu bixiyay qandaraas sharci darro ah oo uu siiyay maayarka Hargeysa “Maareeyaha duulistu wuxuu bixiyay qandaraas ku baxay sifo sharci darro ah. Waxa uu si xigtanimo ah u siiyay maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco. Dawladdii baa mashaariic kala qaadanaysa. Qalabkii loogu talo galay in jidadka iyo bulshada loogu adeego ayaa si gaar ah loogu adeegta, lacagta halkaas ka soo baxaysana waxay si toos ah ugu dhacda jeebta Maayarka. Taasi waxay muujinaysa in isla xisaabtankii iyo in sharcigu sareeya meesha ka baxday,” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha duulista iyo hawada xisbiga Waddani.
Geesta kale xoghayaha xisbiga Waddani waxa uu sheegay in aanay hano qaadin xukumaddii hore ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo dhisay balse uu ka fiirsado isbedellada uu samayn doona in ay noqdaan kuwo tayo leh. Waxa uu madaxweynaha u soo jeediyay in uu dib u eego qaab dhismeedka wasaaradaha isaga oo kula taliyay in uu soo celiyo wasaaradda duulista, islamarkaana wasaaradaha Xannaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga ka dhigo kuwo kala madax bannaan oo dad khibrad leh hoggaamiyaan maaddaama ay yihiin khayraadka dalka loogana fadhiyo wax soo saar macquul ah.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in xisbiga Waddani u arko in aanay xukumadda madaxweyne Biixi wax horur-socod ah samayn sanadkeedii 1-aad, islamarkaana ay ku sii taaggan tahay raadkii xukumaddii Siilaanyo.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.