WADDANI oo ku Eedeeyey Xukuumadda KULMIYE in aanay Lahayd Awood ay ku Fuliso Heshiisyada

0

“Muddo-kordhintu waa wax lagu burburinayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, dimoqraadiyadda, wada-jirka iyo midnimada ummadda qaranka Somaliland”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Sayruuq)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku eedeeyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo mid ka arradan awoodda fulinta waxyaabaha lagu heshiiyo.

Xoghayaha Waddani

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in heshiisyada xukuumaddu gasho u baahan yihiin cid awood u yeelata inay fuliso, maadaama aanay ilaa hadda la fulin heshiiskii xisbiyadu kala saxeexdeen ee in doorashooyinku qabsoomaan bisha December 2016.

“Xisbiyada mucaaridku waxay leeyihiin inay sameeyaan waxa dimoqraadiyaddu u oggoshahay, laakiin nasiib-darrada jirtaa waxa weeyaan wax kasta oo la galo iyo wax kasta oo dalka loo qabanayo waxay u baahan yihiin cid fulisa. Xukuumadda Somaliland waxa ka dhiman fulintii oo ma jirto ciddii fulin lahayd heshiisyada la galo, mana jirto ciddii fulinaysay wixii u dan ah ummadda, meeshana waa la is-daba wareegayaa oo hor iyo dib ayey u socdaan,” ayuu yidhi Uurcadde.

Waxa kaloo uu sheegay in muddo-kordhintu ahayd heshiis ay isla ogaayeen Guddoomiyaha Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa la ogyahay in muddo-kordhinta uu Saleebaan sameeyey waxay shuraako ku ahaayeen xukuumadda Siilaanyo, laakiin iskama samayn, iyadoo markii dambena cadaadis kaga yimi beesha caalamka awgii uu uga tanaasulay (madaxweynuhu), balse ugama tanaasulin maslaxad dal iyo mid ummaddeed. Ma jirto ciddii fulin lahayd tanaasulka madaxweynuhu sameeyey iyo go’aanka uu la qaatay xisbiyada.”

“Xisbiga KULMIYE wax gacanta ugu jiraba ma aragno, wax aannu xisbigaas wax uga sheegno maba jiro, KULMIYE-na iyagaa u baahan in loo gurmado, dalkuna wuxuu u baahan yahay dhibaatooyinka jira in wax laga qabto inta laga qaban karo, madaxweynahana waqtigii wuu ka dhammaaday oo marka la gaadho 27 July wixii ka dambeeya maaha sharci, waxan guurtidu mulmulaaqdayna (muddo-kordhinta) maaha sharci, mana aqoonsanin annagu haba yaraatee, waayo distoorka ayuu dalku leeyahay, qodobka 83aad ee dastuurkana meelna kama soo galo muddo-kordhinta ay soo saareen, mana ah wax dan u ah dalka iyo dadkaba, muddo-kordhintuna waa wax lagu burburinayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, dimoqraadiyadda, wada-jirka iyo midnimada ummadda qaranka Somaliland, waxaanan u aragnaa muddo-kordhin ay samaysteen Siilaanyo iyo Saleebaan oo dantooda oo qudha lagu saleeyey,” ayuu yidhi Xoghaye Uurcadde.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.