WADDANI Oo Faysal Ku Boorriyay In Uu Iscasilo

0
WADDANI Oo Faysal Ku Boorriyay In Uu Iscasilo

WADDANI Oo Faysal Ku Boorriyay In Uu Iscasilo
Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga WADDANI ayaa guddoomiyaha xisbiga UCID ku eedeeyay in aanu wax dan ah u wadin Somaliland waxaanu ku boorriyay in uu banneeyo hoggaaminta xisbiga UCID si loo helo xisbi dheelli tira labada xisbi ee kale.

Guddoomiye xigeenka 2-aad ee WADDANI waxa uu sheegay in taariikhda Eng Faysal Cali Waraabe ee dhanka siyaasaddu tahay mid aan fiicnayn, islamarkaana uu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya taasna ay muujinayso kulankii uu madaxweynaha Soomaaliya Mr Farmaajo kula qaatay Biljimka xilli halkaas shir loogu qabanayay Soomaaliya.

“Somaliland way ka tashatay Faysal, waxay uga tashatay waxa uu galay saddex doorasho tii u dambeysay waxa ay siiyeen boqolkiiba afar (4%), sidee buu xisbi afar sanno jiray oo codkii doorashada helay 44% isu soo ag dhigi kara? Sidee buu u odhan kara waxay ku xidhan yihiin dad xafiisyo ku leh Garoowe? WADDANI ,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga WADDANI.

Guddoomiye xigeenka WADDANI Md Saleebaan Ducaale waxa uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe kula taliyay in uu iska casilo hoggaaminta UCID “Faysal taariikh madow ayuu Somaliland ku leeyahay waxaan marka kula talinaya in uu ragga xisbiga kula jira ka soo dhex saaro hoggaamiye ee aanu umadda hor taagnan,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Saleebaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa marar badan eedaymo u jeediyay xisbiga WADDANI isaga oo dhawaan ku eedeeyay in xisbigu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya taas oo xisbiga WADDANI si weyn u beeniyay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.