WADDANI Oo Eedo Culus U Jeediyay Madaxweyne Biixi

0
Waddani Oo Ka Hadlay Xaaladda Badhan

WADDANI Oo Eedo Culus U Jeediyay Madaxweyne Biixi
Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in iyada oo bulsho badan oo reer Somaliland ahi nolol adag iyo biyo la’aan wajahayso madaxweyne Biixi ku mashquulsan yahay dhismaha qasri madaxtooyo, qabashada shirka Kulmiye iyo cabudhinta bulshada.
Shir jaraa’id oo afhayeenku ku qabtay xafiiskiisa ayuu ku baaqay in wax laga qabto baahiyaha bulshada ee daryeel la’aanta ah.
“13-kii bisha waxa hadlay guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha Somaliland Mudane Cabdikariin Xinif oo afka xukuumadda ku hadlayay, waxa uu sheegay in toban kun oo qoys oo ah dadka barakacayaasha Somaliland ee abaartii xoolahoodii ka saartay in ay soo food saartay biyo la’aan baahsan. Maalin kadib hadalka xukuumadda ka soo baxay waxa isna hadlay oo ka hadlay saxaafadda xildhibaan Xasan Shahar oo ka tirsan golaha degaanka Hargeysa waxaanu sheegay in agabkii dhismaha waddooyinka ee magaaladu ku jiraan dhismaha madaxtooyada Galbeedka (Hargeysa) looga dhisayo madaxweyne Biixi. Waxa kale oo aad ogtihiin in dhawr iyo labaatanka bisha shirkii Kulmiye ka qabsoomi doono magaalada Boorama. Marka 1-aad anagu xisbi ahaan waxaanu Illaahay u baryayna Umaddiisa Somaliland ee baylahda iyo balanbalkaa biyo la’aaneed soo wajahay, Anagu dunida iyo deeq bixiyeyaasha waxaanu kaga kalsoon nahay Illaahay SWT deeqdiisa iyada lagu baahi baxaya marka waxaanu leenahay Allaahuma qisna Allaahuma qisna Illaahay SWT raxmaddiisa ha inoogu deeqo,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga WADDANI.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay in iyada oo dhibaatooyinkaasi bulshada haystaan xukuumadda madaxweyne Biixi lacago badan ku bixinayso dhisamaha madaxtooyo cusub iyo shirka KULMIYE “Iyada oo intaas oo dhan jirto waxa cajiib ah oo caqliga bani’aadamku si walba u sawiran karo, madaxweynaha maanta dalka taladiisa haya Muuse Biixi iyada oo toban kun oo qoys gobollada Bariga biyo la’aani ku haysato oo balanbal nololeed soo wajahay dareenkii masuuliyadeed ee uu dalkan iyo dadkan ugu dhaartay in aanu muuqan. Hoggaaminta dhabta ah kumay fikirteen daar dhiso dadkiisa oo biyo la’aan u bakhtiyaya oo weliba xukuumaddiisii sheegayso oo ku baaqayso. Waxa u eekayd (Madaxweynaha) shirarka Kulmiye ee uu maanta Boorama ku qabanayo kow in dadkaa baylahsan biyo lagu siiyo, waxa u eekayd in uu roob doon Qaranka ugu baaqo, waxa u eekayd in uu cagahiisa ugu tago dadkaas uu masuuliyaddooda madaxa ku qaaday laakiin ayaan darro ma muuqato waana sawirka dhabta ah ee hoggaaminta dalku bixinayso,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga WADDANI Md Barkhad.

“Umaddan Somaliland marka ay hoggaamiye dooranayso uma doorato madal laga macaasho ama meherad maal laga helo. Umaddani waxay tabaysa waddo, waxay tabaysa biyo, waxay tabaysa caafimaad waxaana tusaale idiinku filan madaxtooyada oo in ka yar konton tallaabo cisbitaalka weyn ee Hargeysa u jiro in wasiirkii caafimaadku markii uu bukooday la dhigay cisbitaal gaar loo leeyahay. Meesha wasiirkii cisbitaalka masuulka ka ahaa isku aamini waayay ee uu cisbitaal gaar ah galay, dadkiina biyo la’aan u bakhtiyayaan, agabkii dawladda hoosena la yidha waxay galeen Qasri madaxtooyo oo madaxweyne Muuse Biixi dhisanyo ayay galeen iyada oo hooyooyinka uurka leh ee basaska raaca marayaan waddooyin aad mooddo in godad ka qodmeen, yacnii waa caqliyadda dhabta ah ee dalka taalla, fili maayo in ay garasho darro tahay laakiin, waa badheedh aan masuuliyadda qiimaheeda la fahansanayn. Waxaanu ugu baaqayna dalkan adiga laguu doortay ee masuuliyadda Illaahaga kaga baqo oo dadkaagan dayacan hoos u eeg oo lacagaha aad shirarka ku bixinayso, lacagaha aad leedahay madaxtooyo ha la iigu dhiso caafimaad gali oo biyo gali oo waddo gali oo baylahda bulshada haysata hoos u eeg,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeen Bakhrad.

Geesta kale waxa uu Afhayeenku dhalliilay xukunka ku dhacay wargeyska Foore oo maxkamadda gobolka Maroodijeex hal sanno xayirtay kuna ganaaxday lacag saddex milyan ah. Waxa uu sheegay in aanay sharciga meelna kaga ool in guddoomiyaha maxkamadda xukunka riday ee labada dhinac u garnaqay isu bedelo afhayeenka xukuumadda. Waxa uu tilmaamay in madaxtooyada laga duminayo haybadda iyo madax bannaanida garsoorka “Waxaanu ognahay xisbi ahaan haybadda garsoorka in madaxtooyada laga baabi’inayo oo la doonayo in laga dhigo salad waxa ay iyagu doonayaan garsoorku fuliyo. Seken kastaba malaayiin telefoon oo madaxtooyada ah ayaa garsooreyaasha ku soo dhacaya, madax bannaanidii garsoorka ayay madaxtooyadu la dagaallamaysa Foore ibo fur buu u yahay la dagaallanka xorriyatul qawlka waana caddaalad darro xukunka ku dhacay maxkamadda racfaankuna dib ayay u eegi doonta. Waxaan leeyahay shacabku uma baahna car juuqdhe ee wuxuu u baahan yahay daryeel,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka xisbiga Waddani Mudane Barkhad.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.