Wadani Oo Ka Hadlay Kulanka Xukumada & C/raxman

0
Wadani Oo Ka Hadlay Kulanka Xukumada & C/raxman

Wadani Oo Ka Hadlay Kulanka Xukumada & C/raxman

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay kulanka dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo guddoomiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku dhexmaray Nairobi waxaanu sheegay in ay arrin taasi tahay marin habaabin lagu samaynayo qaddiyadda Somaliland.

Guddoomiyaha golaha dhexe xisbiga Mudane Cismaan Afgaab ayaa sheegay in xukuumaddu kula soo galgalato xisbiga Waddani in uu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya laakiin, xaqiiqadu tahay in xukuumaddu faraha kula jirto kulamada Soomaaliya. Waxa kale oo uu tilmaamay in markii labaad ama saddexaad noqonayso ee wasiirro xukuumadda ahi la kulmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo masuuliyiin kale oo Soomaaliya ah.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Waddani Mudane Cismaan Afgaab ayaa sheegay in tallaabooyinka xukuumaddu kula kulmayso masuuliyiinta Soomaaliya ay Somaliland ka bixinayaan sawir ah in ay Somaliland tahay maamul gobolleed ka mid ah Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Kulmiye ku eedayso xisbiga WADDANI waxyaabo aan jirin laakiin, iyadu si cad faraha ugula jirto.

“ Ina Cabdishakuur maaha markii u horaysay ee xukuumaddu la kulanto markani waxay noqonaysa markii labaad ama markii saddexaad inta la hubo; kal hore haddaaya Cabdillaahi Abokor ayaa Maka kula kulmay isaga iyo masuuliyiin kale imikana waxaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha, waxa kale oo jirta rag kale oo masuuliyiin ah oo uu ka mid yahay ninkii Sirdoonka Soomaaliya haystay ee Sanbalooshe oo hotellada Hargeysa xukuumaddu dejiso, marka dadyawga noocaas ah ee masuuliyiinta xukuumaddu la kulmayso wuxuun baanu u aragna in ay ma jaro habaabinayso qaddiyadda Somaliland iyo wada hadalladii oo dagaalku meel aanu ku jirin wax ka daydayayaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha golaha dhexe ee Waddani.

Waxa uu intaasi ku daray in eedaha aan jirin ee xukuumaddu Waddani ku eedaysa yihiin kuwo iyadu gacmaha kula jirto “Tii ay Waddani ku eedaynayeena ay tahay waxay iyagu mar walba faraha kula jiraan, Waddani oo aan marnaba sheegan ama aan cid kala kulmin ay mar walba waxay iyagu gacmaha kula jiraan oo goob iyo galgalin ba kula kulmayaan in ay cid kale ku eedaynayaan taasina waxay u muuqata uun in waxay iyagu wad wadaan uun dadka reer Somaliland ka qarinayaan,” sidaas ayuu yidhi Mudane Cismaan Afgaab.

Waxa kale oo uu sheegay in waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya yahay wada hadal loo maray dariiq cad “Marka waxaanu leenahay Soomaaliya waxa inaga dhexeeya wada hadal. Soomaaliya waxaynu kala baxnay 1991-kii waxa isugu keen hadhayna waa in aynu dariiq iyo waddo cad ku wada hadalno, wadda cadna inta isugu keen hadhay ku dhammaysano. Somaliland kama mid aha maamul gobolleedada ka jira Soomaaliya laakiin, sawirka ay u soo qaadayso xukuumadda maanta jirta ayaa Somaliland ka dhigaya in ay ka mid tahay maamul gobolleedada Soomaaliya ka jira marka aad dhex gashay siyaasiyiinta iyo dadka aynu wax isku hayno ee uu waliba leeyahay waxyaabo diblamaasi ahaan khalad ah oo dal kale in aad ku dhawaaqdo jabhad baan u samaysanaya iyo ciidan baan u samaysanaya oo wixii aad adigu cidda aad is haysaan kala hor tagi lahayd in aad saxaafadda isla soo taagta waxay muujinaysa tamar darradu halka ay marayso,” ayuu yidhi Mudane Cismaan Afgaab.

Geesta kale wuxuu ku baaqay in dib loogu soo noqdo xayn-daabka wada hadalka arrimaha doorashooyinka sida guddida doorashooyinka, saami qaybsiga iyo arrimaha kale ee doorashooyinka la xidhiidha. Waxa uu ganafka ku dhuftay qorshe kasta oo xukuumaddu ku doonayso in ay si jujuub ah ku qabato doorasho.
Maxaa Bedelay Mawqifkii Madaxweyne Biixi?
DAAWO Wasiir Kaahin Oo Ka Gubtay Suaal La Waydiiyay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.