WADANI Oo Fashiliyay Hadalo Dhexmaray Faysal & Biixi

0
WADANI Oo Fashiliyay Hadalo Dhexmaray Faysal & Biixi

WADANI Oo Fashiliyay Hadalo Dhexmaray Faysal & Biixi
Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in kulamo dhexmaray xisbiyada Somaliland ay hadallo adag isku waydaarsadeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Eng Faysal ayaa bilihii la soo dhaafay si adag u mucaaraday hoggaaminta madaxweyne Biixi inkasta oo ay hadda muuqato in uu ka dhimay weerarkii uu ku asqeeyay lamana oga in xal ka dhashay weedhaha adag ee ku dhexmaray fagaare ay fadhiyeen xisbiyada iyo waxgarad dhexdhexaadinayay.

Eng Faysal ayaa shirk aka sheegay in SNM qabsan kari wayday shirkoodii golaha dhexe isaga oo duraya Madaxweyne Biixi Sida uu sheegay Saleebaan Ducaale laakiin, madaxweynaha oo taas ka jawaabaya ayaa Faysal u sheegay “Waxaad ahayd faqash, basaas baad ahayd, waa lagu nacay” waxaanu intaas raaciyay in uu iska celin doono haddii uu sii wado mucaaradada.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.