Wadahadalka Somaliland iyo Somalia xiligan mooyi si uu noqon

0

Wadahadalka Somaliland iyo Somalia xiligan mooyi si uu noqon ilaa inta Somalia xaalkeedu doorasho iyo doorasho la’aan mid u dhacayo. Hadana Somalia maaha dawlad Madaxwayne ee waa dawlad Baarlaman. Baarlamanka ayaa Madaxwaynaha doorta oo isagu Raiisul Wasaaraha soo magacaaba. Golaha Wasiirada ma magaacbo madaxwaynuhu ee Raisul Wasaaraha ayaa soo magacaaba marka uu Madaxwaynaha kala tashado ka dib Baarlamanka ayaa ansixinta iska leh. Waxa iswaydiin leh Madaxwayne iyo Raiisul Wasaare aan wada socon ee xataa doorashada dhawr bilood ka hadhsan tahay aan ka midaysnayn sidii ay u qabsoomi lahayd sida ay u sii wada shaqayn karaan ee doorasho xukuumadoodu u qaban karto. Xilgan maaha labadooda oo keliya ee Somalia inta wada socota waxa ka badan inta kala socota marka ay doorasho tahayna inta ay isla ogol yihiin waxa ka badan inta ay isku diidan yihiin. Ta ka sii daran dhaqan ahaa reer koonfurku maaha sida reer waqooyiga oo isu tanaasulku kuma jiro qaamuuskooda oo hadii la isqabto dhinacna in uu wax ka tago ma ogola markaa xaalku hadii aan bulshada caalamku u talin ma tashan karaan. Markaa xaalkoodu waa in la is-muquuniyo ama faro ha la isku muquuniyo, ama lacag , hadii kale waa ninkii rooni reerka ha u hadho. Marka xaalkoodu sidaa yahay wadahadalka Somaliland uma diyaarsana ilaa inta ay iyagu soo kala dhamaanayaan ee geedi iyo negaansho mid horta ha u dhacaan.

Siyaasi Cali Guray

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.