“Wada Hadalladii Dib Baanu U Dhignay,” Somaliland

0
“Wada Hadalladii Dib Baanu U Dhignay,” Somaliland

“Wada Hadalladii Dib Baanu U Dhignay,” Somaliland

Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in aan xaaladda hadda taaggan wada hadal lagula gali Karin Soomaaliya sidaas awgeedna muddo bil ah dib loo dhigay wada hadallada labada dhinac oo qorshaysna in ay dabayaaqada bishan ka furmaan magaalada Jabuuti kadibna loo wareejiyo waddanka Switzerland ee carriga Yurub.

Wasiir Sacad Cali Shire oo maanta Hargeysa saxaafadda kula hadlay waxa uu sheegay in bil kadib la qiimayn doono in Somalia wada hadal lala furi karo iyo in kale “Wada hadallada in aynu Somalia la galno waa kii baarlamaanku ansixiyay kamanaynu noqon laakiin, wakhtigan xaadirka duruuftii saamaxaysay in la wada hadla ma jirto, marka bil baanu dib u dhignay wada hadalladii, marka bishu dhammaatana waynu eegayna duruuftu sida ay tahay in aynu wada hadalladii la bilawno iyo in kale,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu difaacay heshiiska dawladdaha Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee dekedda Berbera waxaanu sheegay in ay warqado mawqifka Somaliland caddaynaya ka daba gayn doonaan warqadaha Soomaaliya u dirayso ururada gobolka.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.