Waar Khudbada Madaxweynuhu Waa Iska Ooraydhe Ninku Ma Yidhi “Maalin Ku Darsan Maayo Mise Waa Maya” ,Qalinkii: Baxnaan Xaaji Adan

0
Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana
la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso
Dhaashane:Ma dhegaysatay khudbadii madaxweynaa?Sow kagamuu hilaacin?
Dhaqane:Waar khudbada madaxweynuu waa iska ooraydh e ,ninku ma yidhi:Maallin ku darsan maayo mise waa maya?Mida kale horta Cirro miyaa ka baqdaan ?Ileyn marka uu tagaa uunbaa wax dhaqdhaqaajisaane.
Dhaashane:Waar adeerow waanagii heshiinee ha isku kaayo dirin ninkaa mar dambe.Mida kale  dee ku darsashadiiba waxa ka hor maray ninkii Muj muse biixi ayaaba anagii nagu keen keenay.Waan sharaxanahay kuyi.Hada waa ninkii aanu Gudoomiyanimada  u soo barinay ayaaba anagii sare noo koray.
Dhaqane:Dee waa runtii .Kursigu ma dhaxaltooyaa  hadaa?Waar waxaa iga daayoo .Ma haday agaasimayaashiinina  guryo London ka iibsadeen?Dee wasiiraduna dayaaradaabay iibsan hadaa.Mida kale kuwan golaha deegaankee Hargiesa ma degreetaa lagu magacaabay horta mise dadweynaa doortay?
Dhaashane:waar halkaa ha inoo joogto.Dhakhtarkaan tegeyaa inaadeer dhib baa i haysatee.Subaxii markaan koob shaahoo kulul cabo  ,ayuubaa inaadeer ishaasi i xanuunaysaa.
Dhaqane:Taa dawadeedii anagaa kuu haynee ,dhakhtarna ha tegine waxaad yeeshaa :Malqacada  markaad sonkorta ku walaaqdid koobka ka saar.
Dhaashane:Walaahidaan hooyaday saaxiibadeed waayaa inaan koobkaa madaxa kaaga dhufan.Waar nabaday adeer.
Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden
Sweden

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.