Waa Tii Ay Reer Somaliland Odhan Jireen Waalli Cas

0
Waxaan daawaday laba muuqaal Oo Ay kooxda Al-shabaab ka diyaariyeen weerarro ay ku qaadeen 10 Hoteel,

Waa Tii Ay Reer Somaliland Odhan Jireen Waalli Cas

Markaan eegay xaalada siyaasadeed ee maanta taagan, waxaa igu soo dhacay xikmad wax ku ool ah oo horay laba oday u sheegeen, Abwaan Gaariye iyo Albert Einstein. Gaariye wuxuu yiri:-

“Haddaan Guga kuu kordhaa.

Gabow mooyee ku tarin.

Garaad iyo waaya-arag.

Illayn wax ma dhaantid Geed!”

Einstein wuxuu yiri

Insanity is doing the same thing over and over again and expecting different results. Waxaa waali ah in aad hal ficil ku cel celiso, ka dibna aad natiijo kuwii hore ka bedelan filato.

Dhowr iyo tobankii sano ee ina dhaafay waxaa socday is bara bixin siyaasadee oo kooxo qabiil, diin ama saaxibtinimo ku abaabulan oo intay talada dalka gacanta u gasho isku deyey in ay inta kale siyaasada ka saaraan. Kooxahaas si isku mid ah ayey u fekerayaan, tabo isku mid ahna way adeegsanayeen ugu danbeyntiin sidii kuwii ka horeeyey ayey u guul dareysanayeen, saaxadana uga baxayeen.

Dadka intiisa kalana waxaa ay uga dhigan tahay filin ay horay toban jeer u daawadeen, halka uu ku danbayn doonana lwada yaqaanaan.

Taas ayaa igu soo riday xikmada labada oday. Waalida siyaasadeed ee dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waa lala noolaa, hadiise ay gacan ka hadal la timaado waa halis inteeda la eg, waa tii ay reer Somaliland oran jireen “Waa waali cas”.

Source:Cabdirxmaan Cabdishakuur Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.