“Waa Sharci Darro Go’aanka Cirro,” Madaxweyne Biixi

0
Cirro Oo Wada Hadal Ugu Baaqay Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi, Faysal iyo Cirro

“Waa Sharci Darro Go’aanka Cirro,” Madaxweyne Biixi

Inkasta oo ay ilaa shalay maad isu rogtay arrinta guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland oo qabtay kaliya doorashadii madaxtooyada ee 13 November 2017 markii Eng Faysal Cali Waraabe si lama filaan ah u sheegay in codka ugu badan ee la boobay ahaa codkiisa, markii Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici sheegay in codkiisii gobolka Awdal lagaga shubtay horena xisbiga Waddani u aamminsana in uu guulaystay laakiin, lagaga shubtay haddana madaxweyne Biixi wuxuu difaacay guddida doorashooyinka, sidaas oo kalena waxa difaacay Eng Faysal waxaana dhalliisha ku kaliyaystay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo u muuqda in uu kaliya korodhsaday godob uu guddida ka galay.

Madaxweyne Biixi ayaa maanta ku soo hadal qaaday khudbaddiisa baarlamaanka go’aanka Dr Cirro u gudbiyay ee ah in guddida doorashada la kala diro waxaanu sheegay in ay yihiin kuwo hawshooda wata waxaanu dood xaqiiqda iyo sharciga ka fog ku tilmaamay go’aanka Dr Cirro ee ka dhanka ah Komishanka.

“Xisbiga Waddani waxa uu ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatay November 13, 2017-kii.

KDQ waxa ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.

Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Kala qaybsanaanta Mucaaradka

Siyaasadda Somaliland ayaa lagu yaqaanay isbahaysiga hadba labada xisbi ee mucaaradka ah si ay xukumadda u cadaadin karaan laakiin, Dr Cirro iyo Eng Faysal ayaa u muuqda laba aan colna ahayn nabadna ahayn. 100 cisho oo Madaxweyne Biixi talada hayay waxay dhawr jeer ka soo wada muuqdeen madaxtooyada iyaga oo marar isku aragti ka ahaa arrimo taaggaan marar kalena ku kala tagay arrimo taaggan sida heshiiska DP World iyo qaddiyaddan Komishanka oo labadaba Eng Faysal garabka saaray Madaxweyne Biixi.

Komishanka oo laga wada eed sheegtay ayay ilaa shalay bulshadu maad ka dhigatay iyada oo la is waydiinayo cidda ku shubatay doorashada iyo cidda lagaga shubtay taas oo u muuqata kalsooni darro Komishanka laga wada qabo, hase ahaatee Dr Cirro ayaa u muuqda mid aanu fadhi u ool maaddaama uu wajahayo isbahaysi laba xisbi ah, islamarkaana ay kala waji waayeen guddida doorashada oo marar badan eedeeyay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.