Waa Maxay Farqiqa u Dhexeeya Heshiiskii Siilaanyo Iyo Muuse Iyo Ka Maanta ee Cirro Iyo Jirde “Qalinkii “Cabdalla Osman”

0

1.Labadda heshiisba waxay ahaayeen doorashooyin Kadib.

2.Heshiiska Kulmiye waa lagu kala jabay halka ka Waddani abuuray xulafo cusub.

3.Heshiiskan waxaa si rasmi ah looga ansixiyay Golaha dhexe ee Waddani halka kii Kulmiye ahaa mid afkuun laba siyaasi ky wada galeen.

4.Heshiiska Kulmiye Uma Ogolaan Muuse Biixi Cabdi Gudoomiye Ku Meel-gaadh ah Halka Jirde uu sii noqonayo Gudoomiye ku-meel-gaadh ah doorashada ka hor.

5.Heshiiska Jirde wuxu dhacay iyadoo beeshiisu hore aanay Xulafo uga ahayn Waddani halka Kii Muuse Biixi cabdi uu dhacay iyadoo Beesha Muuse Biixi ilaa 2003-gii oo Kulmiye dhacay ay ahayd udub-dhexaadka.
6.Heshiiska Jirde wuxuu galay iyadoo waddani aanu hal tartan-gelin halka Ka Kulmiye uu Yimid isagoo Siilaanyo dhacay.

7. Heshiiska Waddani ee Jirde wuxuu yimid tiiyoo aana jirin Fursad Kale Oo Meel Ka banaani, Kaalintu beesha Hawd ku lahayd Kulmiye la dafiray isla markaan Xisbigii Xaqsoor hadhistiisii uu Kulmiye ku lug lahaa. Halka heshiiskii Kulmiye la galay M biixi ay jireen fursado kale.

8. Hadii heshiiska Waddani ee Jirde ay Ku lamaan tahay jago xisbi oo la yidhaa “Hogaamiye” lana qeexay shaqooyinkeeda, heshiiskii Kulmiye M Biixi la galay waxa wehelinaysay Jago Qayru-dastuuri ah oo ahayd “Raiisul Wasaarenimo”.
9. Heshiiskii Kulmiye sidiisii iyo waqtigiisii toona lama fulin halka ka Waddani ay tahay in la dhowro waqtiga.

10. Heshiiska jirde ee Waddani beesha uu ka soo jeedo jirday si kal iyo laab ah ayay u soo dhawaysay halka Beesha Muuse aanay xataa xiligaa la galay wax badan ka odhan heshiiska Kulmiye.

Sidaa markaa tahay waan ku hambalyeynayaa Jirde sida waayo-aragnimada siyaasadeed iyo miisaanka leh ee heshiiska u galay. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa niyadsamida iyo Kalsoonida uu Waddani uu muujiyay. Mana jirto sabab loo liido heshiiskaas ama loo dacaayadeeyo marka aynu ognahay heshiiskii Kulmiye la galay M Biixi ee isna ahaa doorashadii 2010 kadib, siduu ku fulay iyo taariikhdiisana aynu ognahay.
Dacaayadaynta heshiiska ee taageerayaashaa Kulmiye waxa weeyi keliya inay og yihiin saamaynta togan ee arinkani ku yeelan doono ololaha Waddani. Waxaan Kula talin xisbil xaakimku inuu waqti kooban ee hadhay kaga fikiro istaraatijado uu kaga gaashaanto waranka guusha e ay Waddani, Jirde iyo reer Hawd soo gananeen.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.